jump to navigation

Mujahidiinta Al Shabaab oo Digniin adag ujeediyey Dowladda Kenya ugana digeynaa Dowladda Kenya in ay ka Joojiso Dhibaatada ay ku hayso Ummadda Somaaliyeed iyo Diinta Islaamkaba Oktoobar 16, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

Dhageso Halkan Riix

Sh Mukhtaar Robow (Abu Mansuur) Afhayeenka Dhaq Dhaqaaqa Al-Shabaab iyo Sh Xuseen Sh Cali Fiidow oo isna Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ugu qaabilsan Arimaha Siyaasada ee Gobolada ayaa galabta si wada jir ah u qabtey Shir Jaraa’id oo ay uga hadleen gacan siinta Dowla Keyna ee Murtadinta  ah iyo maamulo ay sheegeen in laga dhisayo Gobolada Dalka qaar oo ay ka digeen.

Dhageso Halkan Riix

Abu Mansuur oo ugu horeyn Shirka Jaraa’id ka Hadley ayaa digniin culus u jeediyay Dowlada Keyna oo uu sheegay in ay soo nooleyneyso oo ku talo jirto sidii Ciidamo cusub ugu soo taba bari laheyd Murtadinta ah ee sii dhaceysa sida uu hadalka u dhigey.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowlada Keyna horey 3 khalad uga gashey umadda Soomaaliyeed walina ku sii dhex jirto khalaadkii, arintaa oo uu si weyn u cambaareeyay uguna baaqey Keyna in arimaha Soomaaliya faraha kala baxdo.

Abu Masnuur, ayaa sidoo kale sheegay in Dalka iyo Dadka Keyna ayna dani ugu jirin, xasarad gudaha Dalka Soomaaliya laga abuuro, oo dowlada Keyna hormuud ka tahey, balse ay quman tahey in lagu wada noolaado nabad,xasilooni iyo daris wanaag ka dhaxeeya labada Dad iyo Dalba.

Waxa kale uu shirkisa Jaraa’id uu ku sheegay in Dowlada Keyna hadda ku guda jirto sidii ay Ciidamo cusub ugu soo taba bati leheyd Murtadinta ah ee sii dhaceysa waxa uuna ka digey in xuduudka Keyna,Soomaaliya ayna uga soo gudbin wax ciidan ah, hadii buu yiri arintaas dhacdo anaguna talaabada ku haboon ayaanu ka qaadeyna.

Wixii dhibaato ah ee ka dhasha faragelinta Keyna ee Soomaaliya ayuu sheegay in Mas’uuliyadeeda ay qaadeyso Dowlada Keyna sida uu hadalka u dhigey.

Shirkiisa Jaraa’id waxa kale uu ku sheegay in ay la dagaalamayaan cid walba oo dooneysa in Dalka iyo dadka Soomaaliya ku xukunto wax ka baxsan Shareecada Islaamka, waxa Keyna iyo Dowladaha kale ee la midka ah soo dhoo dhoobayaana ay yihiin waxba kama jiraan.

Dowlada Keyna ayuu sidoo kale ku eedeeyay in xilka Murtadinta ah ka la wareegtey Itoobiya ka dib markii ay ku fashinlantey oo ku jabtey, qarkana ay u saarantahey Murtadinta ah in ay kala tagto oo bur burto, wuxuuna tusaale u soo qaatey hadalkii Males Zenawi ee ahaa in hogaanka sare ee Murtadinta ah wax laga badalo maadaama ay ku fashilmeen howshii lo egmadey oo ka bixi waayeen is heys heysad dhexdooda ah.

Dhanka kale Sh Xuseen Fidow oo ah madaxa Arimaha Siyaasada ee Gobolada ee Xarakada Al-shabaab oo sidoo kale ka Hadley Shirka Jaraa’id ee galabta ayaa ka digey maamulo uu sheegay in laga Dhisayo Gobolada Dalka, kuwaas oo dhisidooda ay ku howlan yihiin Hay’ado aanu carabaabin waxa uuna ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed in ayna ku kadsoomin maamulo aan Shareecada Islaamka lagu saleyn, waxa uu sidoo kale ugu baadey in ay qaataan Shareecada taageeraana Mujaahiidiinta, Dagaalka kula jira Ciidamada Cadowga ee Dalka ku soo duuley.

www.somalimirror.com

Edited by Mamul

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: