jump to navigation

TAARIIKHDA SHAHIID XUSEEN CUMAR XIIRAY Oktoobar 12, 2008

Posted by spiritualphilantropy in walalaha naftoda huray.
trackback

Maanta waxaynu wax ka tilmaami doonaa taariikhdii dahabka ahayd ee Mujaaahidkii shahiiday ee Xuseen Cumar Xiirey oo dhawaan ku Shahiiday dagaaladii lala galay Murtadiinta.

Xiirey Wuxuu ku dhashay gobolka Gedo gaar ahaan tuulada Geedweyn, wuxuu dhashay taariikhdu markay ahayd 1975-tii wuxuu ku barbaaray Gobolka Gedo, Waxbarashadiisa wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho gaar ahaan Masjidka sheekh Cali suufi Camalka jihaadkana wuxuu ku jirey in muddo ah.
Naxariistii Jano Alle ha siiyee, Xiirey waxaa lagu Xusuustaa Geesinimo iyo dhiiranaan dheeraad ah. Wuxuu marwalba dhihi jiray, “aan layno mujrimiinta”. wuxuuna jeclaa inuu mar un jihaad la galo Mujrimiinta, Allaahna wuu u sahlay hankiisii wuxuuna ku shahiiday dagaalkii Galgalato isagoo difaacaya diinta iyo sharafta ummadda.

Rag Saaxiibadii ahaa waxay sheegeen inuu ahaa nin qur’aan akhris badan Cibaado badan, Waxay yiraahdeen wuxuu ahaa ninka ugu horeeya ee Salaada Subax u kaca dadkana u toosiya, Wuxuu sheegey mid ka mid ah mujaahidiintii ay isla dagaal galeen maalintii uu shahiidayay inuu aad u faraxsanaa kuna lahaa shabaabkii halkaa joogay, “Waan lulmoonayaa hurdo ayaa I haysa, waxaan u malaynayaa inaan shahiidayo” Saacado ka dibna Allaah ayaa ka dhex doortay Mujaahidiintii, waxaanan u rajaynaynaa in uu qaatay Shahaado la qaato tii ugu sareysay.

Shahaadada Waxa hela nin Allaah jecelyahay oo uu la rabo Nimco waarta iyo Jannooyin sarsare, Saxaabadii iyo Salafkii Saalaxa ahaana Shahaado la qaato waxay u arki jireen in ay tahay jano halka ugu dhow, weyna ku dadaali jireen, Allaahna weydiisan jireen.

Waxaan u rajaynayna shahiidkeena qaaliga ah inuu Alaah ugu run sheegay hadaladiisii iyo ficiladiisii isagoo dhiigiisii u huray inuu ku difaaco karaamada ummadda wakhti ay khatar gali lahayd diinta iyo jiritaanka ummaddu, haddii isaga iyo inta la mid ka ah ee shahiiday ayna u huri lahayn naftooda.

Dhiigiisa waxa ku badbaaday madaarista Islaamiga ah ee lagu barto culuumta kala duwan iyo tarbiyada Islaamka, masaajidda lagu darso culuumta shareecada, culimada ahlu diinka ah ee diinta faafisa, gabdhaha muslimaadka ah ee cadowgu shirqoolka la maaganaa, iyo dhammaan shacabka oo Ashahaado la dirirku ay rabeen inay Yuhuud u gacan galiyaan.

Allaah waxaan ka baryaynaa in Xiiray iyo dhammaan shuhadada kale u furo albaabka Janada ee aanay galin Shahiid mooyee waxkale. Aamiin
Shahaadada oo ah in wadada Ilaahay lagu dhinto iyadoo diinta la koryeelayo, ayaa waxay tahay darajada ugu sareysa ee la hiigsado, ninkastoo hanweynina ay tahay inaanu ku qancin wax ka sokeeya.

Nabinimo moyee shahiidka darajada ugu sareysa ayuu ku leeyahay Ilaahay agtiisa, taasoo xilligan aan joogno meel ka sareysa oo la hiigsado aanay jirin, waayo waxa la hubaa in Nabinimadu ay go’day oo aan la soo saarayn Nabi dambe.

Hadaba maxaad ka filaysaa shahiidka Ilaahay dartii qudha looga jaray
– Shahiidku wuxuu jecelyahay in dunida loo soo celiyo markale, mana jiro adoon dhinta oo Allaah agtiisa ajar u yaalo oo jecel inuu dunida usoo noqdo, qofka shahiidka ah mooyee, sababtu waa wuxuu janada ku arkayo ee fadliga shahaadada darteed lagu siiyay. wuxuu ku farxayaa in aduunyada intuu u noqdo markale lasoo dilo”
Wuxuu jeclaan lahaa in ka badan toban goor la soo dilo oo Ilaah dartii u shahiido mar walba.
– Boqol darajo oo janada dhexdeeda ah ayuu Allaah u diyaariyay mujaahidiinta Isaga dartii u dagaalantay. laba darajo oo kasta waxay isu jiraan, inta samada iyo dhulku isu jiraan, taasi waa Jannatu Al-firdowsa, oo Nabigu inagu dhiiriyay in Allaah la weydiisto. maxaa yeelay waa tan u dhaxaysa janooyinka ee bartankooda ku taal, waana ta ugu sareysa, waxaana ka sareeya Carshiga Allaha Raxmaanka ah.
Halkaas oo ay kasoo burqadaan webiyada janada ee afarta ah”.
Al-firdowsa waa hoyga lagu maamuuso ee ay daganyihiin Anbiyada, Siddiiqiinta, Shuha-dada, iyo Saalixiinta .

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

Faallo u dhaaf