jump to navigation

Sheekh C/Raxiim Ciise Caddow oo sheegay in aysan ka warqabin meel Hoggaan cusub loogu doortay Maxaakiimta Islaamiga ah Oktoobar 12, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

Muqdisho,12,Okt,2008,Axad,(Hillaac.net) “Waa Walaalaheen Garabka Casmara oo iyagu shiray Hoggaan Cusubna sameystay, Annaguse war kama hayno Arrimahaas Idaacadaha ayaan ka maqalnay” Ayuu yiri Afhayeenka Maxaakiimta Garabka Sheekh Shariif oo ka war bixinayey Hoggaanka cusub ee maanta ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah Maxaakiimta Islaamiga ah ee gudaha Waddanka ka dagaallamaya oo qoonsaday Qaabka ay wax ku wadaan Sheekh Shariif iyo Kooxdiisa.

Maanta ayey ahayd markii Shir jaraa’d oo ay maxaakiimta Islaamigu ku qabteen Magaalada Muqdisho uga dhawaaqeen in Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar oo ahaa ku xigeenkii Golaha Shuurada uu noqon doono Guddoomiyaha Cusub ee Maxaakiimta.

Qilaafkan Cusub ee ay ku kala leexdeen Golihii Maxaakiimta Islaamiga ahaa ee ka Dagaalamayey Waddanka Soomaaliya ayaa sii murjinaya Xaaladdii is qabqabsiga ahayd ee ka dhex taagneyd Hoggaankii sare ee Midowga Maxaakiimta, waxana ay taa noqoneysaa mid ay ka faa’iideystaan Cadawga Gumaadka ku haya Shacabka Soomaaliyeed inkastoo ay jiraan Mujaahiddiin kale sida Xoogagga Alshabaab iyo Kaambooni oo aan iyagu isku haysanin Hoggaankooda Balse ku Howlan Jihaadka ay Gaalada Madoow kula jiraan.

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: