jump to navigation

Faah faahin ku aadan Weerarkii xalay ee Mujaahidiintu ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada iyo Khasaaraha cadowga Oktoobar 12, 2008

Posted by spiritualphilantropy in News in English.
trackback

Axad 13 Shawaal 1429 (12/10/2008)

Saraakiisha Mujaahidiinta Al-Shabaab ee hogaamineysay weerarki barakeysnaa ee xalay lagu qaaday xarunta madaxtooyada ayaa nasoo gaarsiiyay faah faahin dheeraad ah iyo qaabkii dagaalku kusoo dhamaaday.

Saraakiishu waxay sheegeen in 4-tii guuto ee weerarkaasi qaaday ay laba jiho min laba guuto iyagoo ah kaga soo weerareen xarunta Madaxtooyada,halkaasi oo ay ku jiireen dhufeysyadii cadowga waxyeello ba’ana ay ku gaarsiiyeen.

Guutooyinka oo labadiiba mid loo qoondeeyay jiiridda iyo kala jabinta iyo mid loo qorsheeyay khasaare gaarsiinta iyo ku siqidda cadowga ayaa iyagoo is wata waxaa ay wajaheen cadowga,waxaana ay kasoo galeen fariisimaha cadowga dalcadda Aadan Cadde iyo Jidka Sayidka.

Guutada Abu Muxsin(Aadan Cayrow) durbadiiba Allaah fadligiisa waxaa ay xoog ku jiirtay dhufeysyadii hore ee cadowgu ku lahaa jidka Sayidka iyadoona ay gaareen Mujaahidiintii guutadasi oo ay la socdaan kuwa guutada Sacad Bin Abi Waqaas halka loo yaqaano dhismihii hore ee Baarlamanka.

Guutada Imaam Axmed Gurey oo iyana kaashaneysa Mujaahidinta Guutada Muscab Ibnu Cumeyr ayaa dhankooda kaga soo siqay cadowga dalcadda wadada Aadan Cadde,iyagoona ka saaray cadowga dhufeysyadiisii illaa hoos goobta loo yaqaano baar Bulsho.

Cadowga Ridada ayaa markii lagu guuleystay khidadii loo degay ayna arkeen khasaaraha soo gaaraya waxaa ay go’aansadeen in ay kala cararaan iyagoo isugu uruuray madaxtooyada iyo Xerada Commando Buliisiya,waxaana ay qorsheeyeen awoodooda oo dhan in ay ku difaacaan Murtad C/laahi Yuusuf si aysan u dhicin dhamaantooda in wadooyinka lagu soo halaago.

Waxaa jira khasaare ba’an oo halkaasi kusoo gaaray cadowga laakin lama oga tiro go’an,weerarkii xalayna waxaa uu imaanayaa maalmo kooban kadib duqeyntii barakeysneyd ee Madaxtooyada ay ku qaadeen Mujaahidinta kuna halaagsameen saraakiil sar sare.

Advertisements

Faallooyin»

1. Susan Kishner - Oktoobar 12, 2008

Hello.

I would like to put a link to your site on my blog roll if you want to do the same for mine. It would be a good way to build up both of our readerships.

thank you.


U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: