jump to navigation

Ahmed Walad Abdalla:- Itoobiya way ka baxaysaa dalka Soomaliya, hay weydiinin goorta ay baxayso Oktoobar 10, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback


(08-10-2008)Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Ahmed Walad Abdalla oo wareysi siiyey saxaafadda, ayaa ku celceliyey in ciidamda Itoobiya ay ka baxayaan wadanka Soomaaliya, wuxuuse ka meer-meeray goorta ay baxayaan, isagoo marmarsiinyo uga dhigay iney tahay arrimo millitari oo sir ah.

” ma garanayo wadan adduunka jira oo sheega goorta ciidamadooda millitari ay kaxayaan meel, halka ay marayaan iyo waddada ay qaadayaan, waa inaad iska dhaaftaan su,aalaha noocaas ah iyo hadal tiro badnida”, ayuu jawaab ku celiyey Ahmed walad Abdalla mar la weydiiyey goorta ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan dalka Soomaaliya.

“Waad aragteen oo B/weyne wey ka baxeen, waxayna uga baxeen, wadahadal iyo heshiis la gaarey, meelaha kalena way ka bixi doonaan”, ayuu tibaaxay Wakiilka QM ee Soomaaliya, inkastoo uu ka gaabsaday Su,aal la weydiiyey oo ahayd haddii uu kalsooni ku qabo in Ciidamda Itoobiya ee ka baxay B/weyne aaney ku soo laaban doonin digaankaas, sida hore u dhacdayba, wuxuuna Su,aashaas uga gudbey isagoo yiri; waa in heshiiska Jabuuti la taageeraa.

Walad Abdalla ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay kamid tahay meelaha ay ciidamda Itoobiya ka bixi doonaan oo uu ku sheegay waqtiga ugu habboon, iyadoo la wada ogyahay in ereyga ‘ugu habboon’, uu yahay mid aan dhamaad lahayn.

Walad Abdalla ayaa weriyihii su,aalaha weydiinayey ku canaantay in Su,aalaha uu Itoobiyanka ka weydiinayo ka weeciyo oo su,aalo kale weydiiyo, iyadoo markaasi uu weriyihii u weecday dhinaca burcad-badeedda, wuxuuna Walad Abdalla arrinta burcad-badeedda ku tilmaamay mid khatar ah, UNkuna isku dayi doonaan in meherado yar yar oo ay nolol maalmeedkooda ka soo saartaan loo abuuro burcad-badeeda, si buu yiri dhibaatadaas loo xalliyo.

Walad Abdalla ayaa sidii caada u ahaydba waxaa hadalladiisa ka muuqda siyaasad ku qotonta marin-habaabin uu doonayo iney maqlaan shacabka soomaaliyeed oo aad ula daalaa-dhacaya aafoonyin ay ka mid yihiin dagaallo aan joogsi lahayn, qax iyo barakac joogto ah, abaaro aan u kala qaadin, iyo cudurro aan cilaaj loo heynin, oo doonaya in itoobiyanku ka baxaan dalkooda oo ay arkaan dalkooda oo xor ah.

Marin-habaabintaan ayaa hore loogu kala diley Isbahaysigii Dib u xoreynta, waxaa tuhun lugu kala dhex dhigay maxkamadaha Islaamiga, waxaana hadda la wadaa in tuhun lagu kala dhex dhigo Shacabka uu Cadowgu xasuuqayo iyo Xarakada Alshabaab oo iyagu ah ururka keliya oo xilligaan si dhab ah ula dagaallamaya cadowga.

dalkanews.com Muqdisho

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: