jump to navigation

(Caaqil Xooshoow “Kuwa Maanta Qabiilka ku riixaya Fu’aad Shongolle, Xassan Turki, Iyo Muqtaar Rooboow ee Gabre iyo Majuusi Yuusufna ay Madaxda u yihiin Waa Gun aan Metelin Beelaha ay Codkooda ku Hadlayaan) Oktoobar 6, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Maqaalada iyo Muuqaalka, Wararkii u dambeeyay.
trackback

Muqdisho,05,Okt,2008,Axad,(Hillaac.net) “Beesha ugu Ayaanka daran Beelaha Soomaalida isla markaana Had iyo goor ay Hor boodaan Shaqsiyaadkooda ugu Xikmadda iyo Caqliga liita waxaan oran karaa Waa Beesha aan ka dhashay ee Hawiye, Anigoo Dabcan aan jecleyn inaan Wax Beel ku saabsan ka hadlo Haddana Xilligan waxan u haystaa in ay Ceeb igu tahay inaan ka Aamuso Iimaan-Laawayaasha Magaca Beesha aan ka Dhashay iyagoo Adeegsanaya Mujaahiddiinta Ilaaqeynaya, Iskana Dhigaya in ay Dan u Hayaan Beesha ay u Nasab Sheeganayaan ee Xasuuqeeda ay Iyagu Sababta u yihiin”.

“Waqti dheer uma hayo in aan Dib ugu laabto Taariikhdii Hoggaamiye-Kooxeedyadii Beeshan Ayaanka daran 18ka sano la degay iyo Isloogankii ay ku Dagaalgelin jireen, Waxana aan ku Qanacsanahay in Shacabku uu ka Dheregsan yahay Xeeladihii Qabyaaladeed ee ay Hoggaamiye-Kooxeedyadaas Adeegsan jireen”.

“Culimadii Isku dhafka ahayd oo Kaashanaya Shacabkooda markii ay meesha ka saareen Hoggaamiye-Kooxeedyadii Qabiilka ku Qaraabanayey Balse Cadawga u Adeegayey waxaa soo baxday in Cadawgii Adeegsanayey Hoggaamiye-Kooxeedyadaas uu si toos ah Taangiyadiisii ugu soo Weeraro Shacabka Soomaaliyeed, Xilligaas wixii ka dambeeyey Soomaalida waxay u kala baxday 2 Qeybood oo aan Qeyb Saddexaad lahayn, 1) Koox Gaalada Madoow toos ula safatay oo ay Ugu Horreeyaan Hogaamiye-Kooxeedyadii uu Awalba Cadawga Adeegsanayey, Iyo 2) Koox ay Culimadu Horkacayaan oo Cadawga isa soo Bahaystay Jilibka u laabay kuna Jihaaday”.

“Wax la soo maraba 4 Sano Kadib ayuu Cadawgu Garwaaqsaday in Mujaahiddiinta aan si toos ah looga Adkaan karin Illaa 2 Arrimood la sameeyo, 1) In Qolyo Mujaahiddiinta Munaafaqnimo iyo Dano Gaar ah ugu dhex jiray oo Jago doon ahaa la’adeegsado oo lagu kala Fur-furo Mujaahiddiinta, Iyo 2) Tan labaad oo ah in Qaabkii Qabyaaladda dib loogu celiyo Soomaalida Iyadoo laga Dhawaajinayo Qolyihii Waxmagaratada ahaa ee Awalba loo soo dhiibi Jiray Islogannadii Qabyaaladda ee ay ku kicin jireen Juhalada Wax Magaradka ah ee Qabiilka Caabuda”.

“Waxaa Saakay Markaan soo Baraarugay oo aan Idaacadaha Furay mar Qura Dhagahayga ku soo dhacay 12 Munaafaq oo midba Goonidiisa uu u Qaraabanayey oo Mar qura Hadal haya Mujaahiddiinta Dhiigooda u Bixinaya Badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed, Iyagoo Xoogagga Mujaahiddiinta ku Eedeeynaya in ay Shacabka Muqdisho Qaab Qabyaaladeed u Cunno-Qabateynayaan Maadaama sida ay ku doodayaan ay ka Xireen Airaboorka Muqdisho”.

“Waxaa Xusid mudan Shaqsiyaadkaas Mujaahiddiinta Qaabka Qabyaaladeed ku duraya in ay Dhammaantood yihiin kuwo u Adeega Tigreega iyo Majuusi Yuusuf, Iyo Kuwo ugu yaraan Dowladnimo u Aqoonsan Kooxda Tigreega u Shaqeysa ee Mbagathi”.

“Waxa isweydiin Mudan Haddii Fu’aad Shongolle, Xassan Turki, Iyo Muqtaar Rooboow ay sida Munaafaqiintaas Sheegayaan ay Hawiyaha Cunna-Qabateynayaan ma Majuusiga Mulxidka ah ee Yuusuf ee Aarsiga u soo Kaxeystay Gaalada Madoow ee ay Madxweynenimada u Aqoonsan yihiin baa Cunnada u furaya? Mise Gabraha Taangiyada ku Garaacaya baa Danaha Hawiyaha ka Shaqeeynaya Haddiiba Qabiilka ay Magacaabayaan uu yahay mid ay u Hadlayaan”?.

“Hawiyaha inta Gaalada la Dirireysa uunbaa Gob ka ah Kuwooda kale oo dhan waa Gun, ee Waxaa Habboon in ay Ugu Yaraan Gunnimadooda la’aamusnaadaan, Maxaayeelay Ruux Hooyadiis la Kufsanayo, Walaashiis Hortiisa lagu Kaxeysanayo, Walaalkiis loo Adeegsanayo inuu Biyaha ka Dabaqaado Kii Hooyadiis kufsanayey, Oo Misana Mujaahiddiintii Hubka u Qaadday in ay Sharaftooda u soo celiyaan oo Dulmigaas lagu hayo ka dulqaadaan Aflagaadeynaya”.

“Warhooy Tolkeeyoow Gunnimada ay idiin horseedeen kuwa Ahbalnimada iyo Diinla’aanta isku darsaday Haddaad Mar dambe u Riyaaqdaan oo aadan iska Suulinina Munaafaqiinta Magaciinna ku Ijaafeynaya Mujaahiddiinta Waddanka u kacay, Waxa idin haysta baa I Qarso Noqonaya oo Habaarka Mujaahiddiinta Magaciinna lagu Aflagaadeynayo baa Halaag kii ugu darnaa Idiin Horseedaya”.

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: