jump to navigation

Garabka Jabuuti ee Sheikh Sharif Garanay ee Garabka Sheikh Aweys ee Casmara maxey hayaan ma Casmara hala fadhiya oo oo xalka Somaliya halaga sugu Isaias Afwerki miyaa. Oktoobar 3, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Maqaalada iyo Muuqaalka.
trackback

(03-10-2008) Kadib markii Isbaheysigii Dibuxoreynta uu ku yimid burburka ayaa kooxdii uu hogaaminayey Sheikh Shariif waxey u lebisteen in ay La shaqeystaan Gaalada iyo kooxda Imbagathi halka Garabkii ku haray Casmara ee Sheikh dahir uu hogaaminayey ay weli agfadhiyaan Isaias Afwerki oo la ogyahay in dhabaatada ka jirta Somaliya uu ka yahay qeybta ugu weyn hadaba maxaa u dan ah garabka Casmara ee Sheikh Aqweys ma in Afwerki loo xirado mase in la radiyo xalka Somaliya iyado la ogyahaya in hadii la joogo Casmaro aan wax dan ah loo hayn Somaliya.

Garabka Casmara ayaan cadeynsan oo aan la imaan Hab xal loogu heli karo arimaha Somaliya halka Garabka Jabuuti ay xal u arkaan in Wax lala qeybsado Kooxda Col, Yusuf taas oo sida runta aaan u arko in ay si’aad ah uga fiican tahay in la’iska agjoogo Isaias Afwerki oo isagu dhibaato ku ah jiritaanka Somaliya kooxda la joogtana ku wata dano isga u gaar ah marnaba Isaias Afwerki diyaar uma aha in xal Somaliya loo helo in xal Somaliya loo helona isaga waxey ku tahay ama uu u arkaa in asaga Burbur ku imaanayo jiritaan kisa dowladnimo,

Hadaba garabka uu hogaamiyo Sheikh Daahir waxey halkaas u joogaan oo kaliya in Isaias Afwerki uu hadba qoraal u qoro ay dadka ku Mucaaradayaan laakin marnaba uma uusan keenin wax xal u ah umada Somaliyeed waxa kaliya oo ay halkaas ku hayaan waa Mucaarad nimo iyo in ay hadba wixii jira uun waxka yiraahdaan laakiin mahayaan qorshe cad oo xal loogu helayo dhibaatada ku habsatey umada Somaliyeed Waxaad maqleysaa iyagoo marwalba ka hadlaya maahan in Airporka la xiro maahan in dadka la laayo taas Garabka Sheikh Sharifba waa yiraahda iyagoo dhanka kale bahwadaag la noqday gaaladii Ku soo duushey dalka marwal bana loo istic maalo Burburinta wiilasha Juhaadka ku jira sidii uu u burburin lahaa oo dhexdooda uu qilaaf uga abuuri lahaa,

Hadaba waxey aniga ila tahay in leys weydiiyo aragnay garabka Sheikh Sharife marnaba maisweydiiney Garabka Sheikh Aweys waxaan isleeyahay Labada Jaanim waa isku mid markii loo eego xal u helida Dalka waayo kuwaasina waxey Xero ugu jiraan Afwerki oo inta Hotelo degen ayey rabaan in ay halkaasi ka xoreeyan dalka marka waa in Umada Somaliyeed aysan marnaba ku kad somin oo aysan u arag in garabka Casmaro wax rajo ah ka soo socdaan waa in iyaga iyo garabka Jabuutiba isku silooga tashadaa Hadii ay garabka Casmaro la yimaadaan Dadaalo ay wax uga bedelayaan Xaalada ay hada ku sugan yihiin waan arkeynaa laakiin hada ma aragno wax dan ah oo ay dalka iyo Diinta u hayaan qolo kasta awaxey raacatay meeshii ay u aragto Danteeda waxaaba moodaa in garabka Jabuuti iyagu cadeysteen Dantooda lakiin Darabka Casmara aysan waxba cadeysan.

W, Q Cadde yarre
cyarre@hotmail.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: