jump to navigation

Weeynu socon weeynaye, eeynu orodno. Oktoobar 2, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN: Waa dowlad ku sheegta dibada lagu soo dhisey, iminkana dibbada ku noqoneysa markii ay dalkii loo dhisey ka shaqayn weeysey, shacabkiina aqoonsi ka heli weeysey
xikmada maankooda kusoo maaxanaysa ayaa ah “dalka waan maamuli weeynaye aan dibada wareegno, aqoonsiyana ku bixino”, talaabo la yaab leh oo ay qaaday DKMG taas oo ay ku aqoonsatay gobolo ka go’ay wadanka Georgia ee kala ah South Ossetia iyo Abkhazia oo uu Ruushku taageero, talaabadani waxa ay illin u fureysaa Somaliland oo markani marmarsiimo u heleysa damaceeda gooni isu taaga.

Kadib markii Maraykanka uu kala noqdeen aqoonsigii dowladnimo iyo dhaqaalihii tirada badnaa ee la siin jirey, ayay DKMG markani biloowdey in ay ka xanaajiso reer galbeedka, waxay maanta aqoonsi u fidisey labbada gobol ee gooni isu taaga raadinaya ee Ruushka uu aqoonsiga dowladnimo siiyey dhawaan ee ka go’ay dalka Georgia.

Go’aankani waxaa maanta ku dhawaaqay Maxamed Xandulle oo Cabdullahi Yuusuf u magacaabay safiirka Soomaaliya ee Moscow , wuxuu sheegey in talaabadani ay u qaadeen si ay u adkeeyaan xariirka Ruushka iyo Somalia oo uu dhex maro iskaashi xagga militariga ah.

Talaabadani ma ahan oo kaliya dharbaaxo sujuuda ka haleeshey dublamaasiyadii usha booca ku tukubeysay ee DKMG iyo reer galbeedka, ee waxa ay sidoo kale tahay mid musbaarkii ugu dambeeyey ku dhakabisey naxashka godka loogu hoyinayo jiritaankeeda.

Bal eeg oo u fiirso micnaha talaabadani ay leedahay.

Marka koowaad sida aad la socotaan DKMG waxaa soo dhisey dowladaha reer galbeedka oo Ethiopia adeegsanaya, dhaqaalaha ay 4ta sanno ku shaqaysay waxaa bixiyey dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, laakiin sanadkii ugu dambeeyey waxaa soo dhamaanayay dulqaadkooda la xariira awood yarida dowladani aanan shacabka wax taageero ah ka heysan, ugu yaraan dowlada Maraykanka aya dhawaan qaaday talaabo la yaab leh oo ay farqaha ku dhegtey DKMG oo ay weeydiisatay in ay bixiso 54 kun oo doolar oo ay tahay in lagu dayac tirro guryo ay Soomaaliya leedahay, xusuuso waa isla Maraykankii malaayiinta ku baxshay hergalinta dowladani uu iminka u hesyta lacagtaasi yar, wixii markaasi ka dambeeyey xariirka ayaa soo yaraaranayay, illaa heer ay kaliftay in Cabdullaahi Yuusuf uu ka baaqdo shirkii Qaramada midoobey ee dhawaan dhacay.

Laakiin waxaa taasi ka daran, saamaynta xun ee talaabadani ay ay ku yeelanayso xariirka sii xumaanayay ee ka dhaxeeyey Maraykanka iyo DKMG, sida aad ogtihiin dhawaan dowlada Ruushka ayaa qabsatay inta baddan dalka Georgia oo ay reer galbeedka taageeraan kadib markii Georgia ay weerartay gobolka gooni u goosadka ah ee South Ossetia , talaabada Ruushka waxay dhalisey carro weyn oo xagga reer galbeedka ah illaa heer qarka loo fuulo in uu qarxo dagaalkii 3 aad ee aduunka, Ruushka ayaa markii dambe ciidamadiisa kala baxay Georgia, balse aqoonsi u fidiyey gobolada gooni isu taaga doonaya ee South Ossetia iyo Abkhazia oo labaduba ka go’ay Georgia , talaabadaasi ayaa iyaduna dhalisey caradii ugu weyneyd, mana jirro hal dal mooyaa dal aduunka ka tirsan oo aqoonsaday labadaasi gobol in ay qaran yihiin, DKMG ayaa noqoneysa tii labaad ee aqoonsata goboladani.

Talaabadani ay DKMG ku aqoonsatay goboladaasi kaliya ka xanaajin meeyso Maraykanka, ee waxa ay u dhamaynaysaa xariirka ka dhaxeeya iyo waliba jiritaanka DKMG oo cagaha ay ku taagantahay ay yihiin Maraykanka, waxaana ay horseedeysaa in Maraykanka uu hubeeyo Hogaamiye kooxeedyadii si Cabdullaahi Yuusuf meesha looga eryo, aqoonsigana waa kala noqonayaan.

Dhanka kale Somaliland oo ah gobol Soomaaliya ka mid ah, balse u doodaya gooni isu taag ayaa qiil iyo gar u heleya in uu ku doodo in la aqoonsado mar hadii Dowladii aduunka uu aqoonsanaa ee Xamar ka jirtey ey aqoonsatay gobolo iyada la mid ah oo dal ka go’ay.

Laakiin wallow ay tahay talaabo fool xun, hadane ma jirto sabab looga walwalo, waayo dowlada wax aqoonsanaysa ee qaribeysa dalka, maba ahan mid dalka ka talisa, kaaga daran waaba tan ka guuri rabta maalmo gudahood,. Waqtigeediina dhamaaday, dalkiina ay gacanta ku wada dhigeen xoogaga kacdoonka shacabka.

Marka aad aragto qar iska tuurnimada DKMG waxaa kugu soo maaxanaya oraahda caanka ah ee “Ninkii Dabayl qaba dabbaa loogu daraa”.
KismaayoNews.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: