jump to navigation

Faahfaahinta duqayntii Maanta lala begsaday garoonka Muqdisho iyo Madaafiic khasaare u gaysatay Bakaaraha Oktoobar 2, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

Arbaco 02 1429 Shawaal (02/10/2008)

Galinkii dambe ee maanta waxa magaalada Muqdisho ka dhacay duqaymo kala duwan kadib markii ay soo fariisatay garoonka Muqdisho diyaarad wayn oo Milatari oo ay lahaayeen calooshooda u shaqaystayaasha Yugaandhaysku, waxana isla markii ay soo fariisatay madaafiic ku bilaabay Mujaahidiinta Al-shabaab oo hore xayiraad ugu soo rogay garoonka, waxana ay la beegsaday 10 madfac oo isugu jiray B10 iyo 120, madaafiicdaas oo dhammaantood ku dhacay gudaha garoonka iyo runway-ga ay fadhiday dayuuradu.

Dhinaca kale waxaa jiray diyaarad yar oo soo fariisatay garoonka galinii hore taasoo lagu sheegay mid sahan u ahayd middan wayn oo sida la qorsheeyay la rabay in lagu qaado Madaxda ridada oo baryahanba ku go’doonsanaaa magaalada, waxana diyaaraddan lagu qasbay in ay dhakhso u kacdo iyada oo aan waxba qaadin.

Dhinca kale waxaa jiray madaafiic arxan daran oo cadowga kufaarta ahi ku garaaceen suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha shacabka kaasoo gaystay khasaaro naf iyo maalba leh, waxaa ku nafwaayay in kabadan 10 qof waxaana ku gubtay dhowr guri oo Rashin iyo alaabo kale ay yaaleen.

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: