jump to navigation

Dhaqdhaqaaqa ciidan oo ka dhan ah Garabka Sheekh Shariif ee Jabuuti oo ka bilowdey Baladweyne Oktoobar 2, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN: Cutubyo aad u hubeysan oo ka mid ah ciidamada maxaakiimta islaamiga ah ee dhawaan Baladweyne ka xoreeyey xabashida ayaa xalayto lagu arkayay iyaga oo roonto ka haaya wadooyinka waaweyn ee Baladweyne wax yar kadib markii magaalada uu ka dhaqan galay bandow, wararka eeynu heleyno ayaa sheegaya in uu gobolka ka biloowdey dhaqdhaqaaq ciidan oo kooxo cusub looga hor tagayo.

Bandowga waxaa ku dhawaaqay maamulka maxaakiimta islaamiga ah, waxayna sheegeen in ay oga dan leeyihiin sugista amaanka magaalada.

Lama yaqaano goorta uu bandowga ku egyahay, saraakiishana ma eeysan sheegin wax waqti ah oo uu bandowga dhamaanayo, laakiin waxaa la tuhunsanyahay in uu socon doonaa illaa ay jirto baahida keentey in marka horaba bandowga lasoo roggo. Hadaba waa maxay baahidaasi?.

Warar aan la xaqiijin oo KismaayoNews soo gaaray ayaa tibaaxaya in maadaamaa dhawaan hadal kasoo yeerey Shekeh Shariif oo sheegey in ka bixitaanka xabashida ee Baladweyne ay ku timid wadahadalo hadalkaas oo magaalada ka dhaliyey muran kadib markii maxaakiimta ay waxbo kama jiraan kasoo qaadeen hadalkaasi sheegena in ay xabvashida xoog ku saareen, waxaa ka dambeeyey Korneel Cumar Xaashi Aadan oo Hiiraan kasoo jeeda ayaa dhawaan isaguna sheegey in ay qorshaynayaan in garabka isbahaysiga ee Jabuuti ay qorshaynayaan in ay ciidamo dalka ka howlgaliyaan arrintaas oo loo malaynayo in ay Hiiraan ka bilaaban doonto howshaasi, sidoo kale Sheekh Yuusuf Siyaad Indhacade ayaa dhawaan sheegey in ay la dagaalami doonaan garabka isbahaysiga ee Jabuuti Sheekh Shariifna ku timaamey “beenaale”.

Daraad maalintii Ciida waxaa isaguna hadal jeediyey Sheekh Abu Mansuur Roobow ayaa laga soo xigtey in uu sheegey in ay la dagaalami doonaan garabka isbahaysiga ee Jabuuti, wallow hadalkaasi aysan KismaayoNews xaqiijin karrin hadda, laakiin waxaan ka war heeynaa in madax sarsare oo ka mid ah mujaahidiinta Soomaaliya ay dhawaan sheegeen in lasoo hubeynayo garabka Jabuuti si uu iyaga meesha oga saaraan, cadowgana garab u siiyaan, midkood oo ka mid ah ragga haya darajooyinka jihaadka kuwa ugu sareeya ayaa yiri “waxaa nasiib darro ah in maanta kuwa Jabuuti jooga uu cadowga adeegsanayo, waxbo nagama dhibteen haddii ay yihiin kuwa hoteelo iska jiifa, laakiin hadda waa lasoo hubeynayaa, haddii aad aragto nin (Sheekh Shariif) ay Maraykanka qabteen, hadane siidaayeen far ayaa ku godan ninkaasi, xaalkiisana ma sahlana”, ayuu yiri mas’uul oo dad la hadlayay.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirro qof ka tirsan maxaakiimta islaamiga ah ee Baladweyne oo cadeeyey in howshan cusub ey tahay mid looga hortagayo qorshayaasha garabka Jabuuti.

KismaayoNews.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: