jump to navigation

Jubbooyinka oo jawi farxadeed looga dabaal degey munaasabadda Ciidul-Fadriga Seteembar 30, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN:Boqolaal kun oo qof oo isugu jirra caruur, haween, waayeel iyo culumo ayaa jawi farxadeed maanta ugu dabaal degey munaasabada Cuudul fadriga gobolada Jubbooyinka, Raaskaanbooni illaa Hargaanti-Kuusow.

Kadib markii xalayto bisha soonfur laga arkay magaalooyinka Kismaayo, Ceelwaaq iyo Diif ayaa waxaa ku dhawaaqay in ay maanta ciid tahay gudoomiye ku xigeenka maamulka Kismaayo Sheekh Cabdiqani Maxamed oo dadka muslimiinta Jubbooyinka faray in ay soo xaadiraan salaada ciida. Go’aankaasi waxaa lagu dhawaaqay xalay fiidkii.

Subixii saakay ahaa ayaa dadka Jubbooyinka waxa ay ku waa bariisteen jawi farxadeed oo reynreyn leh, magaalooyinka Kismaayo, Badhaadhe, Dhoobleey, Ceelwaaq, Xagar, Diif, Qoqani, Taabdo, Xayyo, Afmadow, Hargeysa Yaray, Bu’aale, Salagle, Saakoow, Baardheere, Hargaanti Kuusow, Jillib, Jamaame, Kamsuuma, Yoontooy, Goobweyn, Gaduudeey, Mareerey, Kudhaa, Buur Gaabo, Raaskaambooni, Jasiiradaha Juula iyo Jawaay, Hoos Hingoow, Xaliimo Cadeey, Naasiriya, iyo tuulin baddan ayaa boqolaal kun oo qof isugu soo baxeen, dadka iyaga oo raxan raxan u socda, caruurahana farqaha jiidaya.

Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa salaadii ka dib wadooyinka magaalada buux dhaafiyey caruur ku qalabaysan alaabaha caruurta ee lagu ciyaaro, iskuna ceersanaysa bartamaha faras magaalada, waxaa durbadiiba loo furey goobaha ganacsiga oo maanta caruurta oo kaliya ay wax ka iibsanayeen, sida uu KismaayoNews u sheegey mid ka mid ah ganacsatada Afmadow, badeecada maanta aadka suuqa u leh waxaa ka mid ah bastooladaha caruurta, buufinta, shukulaatooyinka oo noocyo kala duwan, nacnaca, xanjada, buskudka oo 20 nooc ka baddan ah, doolshooyinka seejalka ah iyo garaawida batariga ku shaqaysa ee acruurta ey ku cayaaraan, waxaa kale oo uu sheegey in baaruuda bastooladaha ka dhacdo ay tahay sheeyga loogu gadasha badanyahay, wuxuu yiri “meel aan wax ka gadno ayaan weeynay, waxaan arkaynaa saxmadii ugu weyneyd ee dhawaanahani aan aragno, hal daqiiqad ayaa la rabaa in aad wax ka iibiso boqolaal caruur ah oo safaf dhaadheere kuusoo galaya, dhamaantood wada qeeylinaya, garan meeysid si aad wax oga iibiso, waa in aad dhowr qof halkii dukaan oga shaqaysaan”.

Magaalooyinka kale ayaa iyaguna sidaasi ah, waxaana jirra in gobolka munaasabadani looga dabaal dagay si aanan dhawaanahan looga dabaal degin, waayo maciishadu ma ahan mid sare u kacday si la mid meelo kale oo dalka ka mid ah, lacagta duuqa ah waa ay soconeysaa oo lama diidi karro, sarifka waa uu ka jabanyahay sida meelaha qaarkood oo dalka ka mid ah uu ka yahay, dabcan waxaana gobolka ka jirra maamul islaami ah oo aad loogu diirsaday.

Wallow dadka gobolka ay farxad ku dabaal degeyaan, haddane waxaa jirta in ay markasta maanka ku hayaan in dalka uu gumesyi maddow heysto meelo ka mid ah, gaar ahaan caasimada dalka ee Xamar, waxayna dadka niyada oga duceynayaan dalka iyo diinta in uu rabi kor ka yeelo.

Kudbadihii salaada qaarkood ayaa lagu soo qaaday xaalada uu dalka marayo, waxaana shacab weynaha loo sheegey sida ay munaasabka u tahay in halganka laga qeyb qaato, dalka laga xoreeyo xabashida, lana soo dhaweeyo dadka Xamar kasoo barokacaya.

Dhanka kale waxaa dadkii maanta gobolka ku ciidey ka mid ahaa kumanaan qoys oo sanidihii ugu dambeeyey kasoo barokacay Xamar, kuwaas oo iminka degey magaalooyinka Jubbooyinka amaanka ka jirra dartiis, dadkani ayaa soo dhaweyn diiran ka heley walaalahooda Jubbooyinka ku nool.

KismaayoNews.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: