jump to navigation

Sheekh Xassan Turki oo sheegey in dhawaan uu fidin doono gogol lagu mideeynayo walaalaha mujaahidiinta Seteembar 29, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN:Amiirka mujaahidiinta Soomaaliya Sheekh Xassan Turki ayaa sheegey in dhawaan uu fidin doono gogol lagu mideynayo mujaahidiinta Soomaaliya si ay u yeeshaan hogaan mideysan iyo magac isku mid ah, si taasina ay meesha oga saarto waxa uu ku tilmaamay tanfaraaruqa lagu kala qeybinayo mujaahidiinta.

Amiir Xassan oo la hadlayay Soomaalida qurbo joogta ah oo uu muxaadaro qadka taleefoonka ugu qabtay, ayaa ka dhawaajiyey in ay muqadas tahay midnimada islaamka iyo mujaahidiinta, wuxuu sheegey in mardhow ay u qorsheysantahay in uu fidiyo gogol lagu mideynayo mujaahidiinta Soomaaliya.

Waxa uu waxbo kama jirraan kasoo qaaday wadahadalada la sheegey in ay Jabuuti ka socdaan, wuxuuna yiri “illaahay ayaa noo sheegey, gaalada raali kaa noqon maayaan illaa aad diintooda raacdid, marka nimanka ka rajaynaya gaalada illaah nooga xogwaramay in ay raali ka noqdaan oo ay dagaalka ka daayaan, waa kuwa baadinomo ku sugan” waxa uu si adag isaga fogeeyey in inaba wax xariir ah kala dhaxeeyo garabyada isbahaysiga ee kala fadhiya Jabuuti iyo Casmara, wuxuuna yiri “kuwa Casmara fadhiya aad oga hadli maayo, laakiin waxaan sheegayaa in ay yihiin kuwa rimoor (isjiid) jiidanaya, illaa ay rimoorkaasi iska soo furaan ma jirraan wax xariir ah oo na dhexmaraya ama naga dhaxayn karra, kuwa Jabuuti jooga iyagu waa ka shisheeyaan sheekadoodana waa caddahay, kuwaasi gaalada ayay u galeen, waxaase kaba sii daran markani waxay bilaabeen in ay ciidamo aruuriyaan oo ay mujaahidiinta isku jabiyaan, lacagta Maraykanka iyo gaalada soo siisey ayay ku maalgalinayaan dagaalyahano iyaga taabacsan, waxbo nagama dhibteen haddii ay hoteelo iska jiifaan” ayuu yiri Sheekha oo su’aalo oga jawaabayay dadka.

Wuxuu sheegey in magaca Dib-u-xoreyta looga gol lahaa in la dafiro ama la duugo kalmada jihaadka taas oo uu sheegey in ay waran ku tahay gaalada, “dib u xoreyn ayaa la yiri, kalmada jihaadka ayaa laga fogaanayaa, waayo gaalada ayay kalmadaasi waran ku tahay, marka dadkaasi kalmadii jihaadkaba ka cararaya waxbo nama dhex mari karaan”.

Mar uu ka hadlayay arrimaha maxaakiimta islaamiga ah ayuu sheegey, in maxaakiimtu ay ahaayeen magac lagu midoobey, wallow uusan dhahaynin waa ay burbureen oo ay tahay kalmad xasaasi ah, balse uu qirayo in uu isagu ka baxay, heykalkii maxkamadaha iyo hogaankoodiina uu burburey balse ay wali jirraan mujaahidiintii maxaakiimta u dagaalamaysay oo aan wali magac kale qaadanin, “oran maayo maxaakiimta waa ay burbureen, maalin dhaweyd ayaa qaa’id ciidamadayda Mucaskarka Kaambooni uu yiri hadal si qaldan loo turjuntey, kaas oo aan raali galin ka bixiyey kadib markii ay cabasho kasoo saareen mujaahidiinta walaalaha ah, hogaan ahaan waa ay burbureen maxaakiimtu, laakiin wali mujaahidiintii waa joogaan waana dagaalamayaan, mana ahan kuwa ku xiran kuwa hogaanka sheeganaya ee dibadaha fadhiya, waxaan rajaynayaa in dhawaan aan gogol u fidiyo dhamaan mujaahidiinta si aan u samaysano wax aan ku mideysanahay” ayuu yiri Sheekh Xassan Cabdullaahi Fiixiye (Turki).

Mar uu ka hadlayay arrinta ku saabsan mucaskarka raaskaambooni, ayuu yiri “ Kaanbooni waxay aheyd ama illaa hadda tahay saldhiga mujaahidiinta, markii ay ragaasi dibadaha aadeen oo ay yiraahdeen gaalo ayaan wax la qeybsanaynaa, markii jahowareerkii magaca maxkamada uu battay ayaan goosanay in aan dhinac oga istaagno si jihaadka uu usii socdo”.

Wuxuu sidoo kale ka jawabay hadal dhawaan kasoo yeerey Yuusuf Siyaad Indhacade oo ahaa in ay Kaambooniyiinta soo celiyaan hubkii maxkamadaha haddii ay maxkamadaha ka baxeen, wuxuu sheegey Sheekha in uusan jirrin hub ay maxkamadaha lahaayeen oo ay Kaambooniyiinta heystaan, taasi badalkeeda ay kaambooniyiinta hub iyo ciidamo siiyeen Maxaakiimta iyo Inhdo Cadde-ba, wuxuu intaasi ku daray in ragga meelaha ka hadhadlay ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu hubeynayo kooxo cusub si mujaahidiinta la’isaga hor keeno.

Arrinta Kismaayo oo uu soo hadal qaaday ayuu sheegey in dagaalka ay u galeen maadaamaa ay sawirteen qatarta ka iman kartay haddii Al-shabaab dagaalka looga xoog batto,in markaasi iyaga lagu soo duuli lahaa, taasina ay ku qasabtay in ay dagaalka galaan, wuxuu ku daray in walaalaha Shabaabka iyo Kaambooniyiinta ay maamul wada jir ah magaalada ka dhiseen iskuna dareen ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 200 oo askari si ay amaanka magaalada u sugaan, ciidamada dheeraadkana magaalada laga saaro.

Wuxuu sheegey in dagaalka jihaadka ah ay sii waddi doonaan illaa inta ay noolyihiin, dalkana ka xoreyn doonaan gaalada soo duushey iyo kuwa lagu baaqayo in la keeno.

KismaayoNews.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: