jump to navigation

Halbeega Lagu Garto Qunyar Socodka ay Gaaladu Doonayso inay Maamulka u Dhiibto Seteembar 29, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Maqaalada iyo Muuqaalka, Wararkii u dambeeyay.
trackback

In badan ayaan maqalnaa gaalada oo ku celcelinaysa erayga qunyar socod ama muslimiinta maskaxda furan, hadaba waa ayo qunyar socod marka la saaro miisaanka Mareykanka iyo reer galbeedka?

1. Qunyar socod waa qofka aaminsan in Islaamka iyo dimoqraadiyaddu aanay is diideyn.
2. Qunyar socod waa qofka aaminsan in guusha aan lagu gaareyn xalkuna aanu ku imaaneyn jihaad iyo xabadda in la wado.
3. Qunyar socod waa Qofka tixgeliya xuquuqda aqaliyaadka aan muslimka aheyn ogolna inay dumarka xaq u leeyihiin inay ragga la tartamaan.
4. Qunyar socod waa qofka Cambaareeya falalka ay fulinayaan kooxaha xagjirka ah.
5. Qunyar socod waa qofka aaminsan in shareecada iyo xeerka qaramada midoobay aysan is diideyn, aaminsan in shareecada iyo xaddaaradda reer galbeedka la iswaafajiyo.

Kaasi waa qunyar socod sida uu Mareykanku u yaqaano waxaa sidaas loogu qeexay warbixin ay soo saartay mu,asasadda (Rand) ee ciidamada Maraykanka tala bixinta siisa.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa ku fekeraaya sidii uu u ururin lahaa una mideyn lahaa qeybo badan oo kala duwan balse asaga uu u arko dhamaantood inay soo wada geli karaan liiska Qunayar socodka, waxaana ka mid ah.

1. Kooxaha Suufiyada ee ka soo horjeeda Ahlu sunnaha.
2. Shiicada meel kastoo ay joogaan.
3. Ururada Calmaaniga ah qeybahooda kala duwan iyo kuwa bulshada Rayadka la magac baxay.
4. Dadka caadiga ah ee sida taqliidiga ah u cibaadeysta oo ayaga aan aqoonta diimeed iyo midda maadiba laheyn inta badana neceb in xoog wax lagu xaliyo.

Qeybahaas ayuu sheegay inay suura galtahay si fudud in loo adeegsado marxalada soo socota lagana horgeeyo islaamiyiinta asal raaca ah ee maskaxda qufulan ee aan la janqaadi karin xadaaradda iyo Cowlamada.

Ururka dib u xoreynta Soomaaliya miisaan saar labadiisa garab ee Jabuuti iyo Asmara ma qunyar socodbaa mise waa Asal raac?

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: