jump to navigation

Waa’ayo cidda sida rasmiga ah ay u saamaysay xiridda Airport-ka Muqdisho? Seteembar 26, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Maqaalada iyo Muuqaalka, Wararkii u dambeeyay.
trackback


16 Ramadaan1429h ayaa waxaa si rasmi ah u dhaqan galay go,aankii xarakada Al-shabaab Al-mujaahidiin ay ku xirtay goroonka muqdisho ayadoo hadda laga joogo 9maalmood xiligii go,aankaas uu dhaqan galay ayaa waxaa ka soo degay garoonka muqdisho 3 diyaaradood oo labo ka mid ah ay la kulmeen duqeyn ba,an markey garoonka soo caga dhigteen, horayna ka cararay ayagoo aan waxna dejin waxna qaadin.

Garoonka waxaa ka soo degi jiray maalin kasta 4diyaaradood oo xamuul ah, labadii maalina waxaa ka soo degi jiray hal diyaarad oo u adeegaysa kooxda ridada ama calooshood u shaqeystiyaasha AMISOM.

Xeridda garoonka ayaa si rasmi ah u saameysay kooxda Riddada, waxaana kala xermay dhamaan safaradii ay isaga gooshi jireen Gudaha dalka iyo dibadiisaba, waxana si caro leh uga hadlay xeridda garoonka xubno ka tirsan kooxda ridada oo ay ka mid yihiin.

Xaabsade (waziir ku sheega GD-ka Cirka iyo dhulka), Xuubsireed (Afhayeenka C/llaahi yuusuf) , Muxyidiin Maxamed Xaaji (waziir ku sheega Gacansiyga) iyo Maxamuud Sh. Cali (Maareeyaha guud ee Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho) .

Xiridda garoonka waxay saameysay Calooshood u shaqeystiyaasha AMISOM oo ilaa iyo hadda yaab iyo amakaak uu ka heysto sida ay yeeli lahaayeen ka dib markay xayirmeen diyaaradihii u imaan jiray usbuuc waliba una keeni jiray Qalab ciidan iyo sahay meliteri waxayna ku soo beegantay xili ay kor u kaceen weerarada lagu qaado AMISOM. Waxaa ka hadlay Gaalka lagu magacaabo Beenaale Bahuuko (Afhayeenka Calooshood u shaqeystayaasha AMISOM)

Waxaa xusid mudan in ciidamadii yundheyska ahaa ee lagu bedeli lahaa kuwa hadda jooga ay la,yihiin si ay u imaadaan iyo meel ay ka soo degaan, Waxaa ka hadlay Gaalka lagu magacaabo Beenaale Bahuuko (Afhayeenka Calooshood u shaqeystayaasha AMISOM)

Xeridda garoonka ayaa saameynta ugu weyn ku yeelatay Sirdoonka mareykanka iyo yahuuda oo isku qarin jiray magac hay’adeed, waxaana istaagay dhamaan diyaaradihii gaarka ahaa ee keeni jiray saraakiisha sirdoonka. Waaxaa arintaas ka hadlay gaalka lagu magacaabo David shin (Jaasuuska mareykanka u qaabilsan Geeska Africa)

Qaramada midoobay ayaa ka cabaaday xiridda garoonka saameyn weyn ayeyna ku yeelatay qorshahoodii guracnaa ee ay ku doonayeen inay ciidamo ku keenaan soomaaliya si ay dalka u qabsadaan kheyraadkiisana u boobaan, waxaa ka hadlay gaalka lagu magacaabo Axmad Wold Cabdalla (Uqeybsanah Qaramada midobay arimaha soomaaliya)

Garoonka Xeridiisa ayaa sidoo kale waxay saameyn weyn ku yeelatay Qorshaha loogu magac daray Dib u heshiisiinta oo ay si wada jir ah u wadeen kooxda Ridada Garabka Nuur Cadde iyo UDS-ta Garabak Sh. Shariif waxaana fashilmay jihaad joojintii la saxiixi rabay, waxaana ka hadlay labada shariif Iyo C/raxmaan C/shakuur. (hormuudka Beenta loogu magac daray Dib u heshiisiinta)

Garoonka Xiridiisa sidoo kale waxay saameyn ku yeelatay Dadka ku qaraabta magaca midowga maxaakiimta oo horay u burburay ayadoo aan la garan Karin ujeedada dhabta ah ee ay u diidan yihiin go,aanka lagu xiray Garoonka, waxaana ka hadlay arintaas.

Dr.Cumar Iiman, Xaaji Yuusuf indha Cadde, Sh. C/qaadir Cali Cumar iyo C/raxiin Ciise Caddow (?????)

FG. Xirnaasha garoonka Waxaan ka hadlin hal qof oo shacab ah amaba ganacsade ah xitaa maamulayaasha shirkadaha Duulimaadka.

Hadda ma garteen Cidda ay saameysay Xeridda garoonka diyaaradaha Muqdisho?

Waxaa la is weydiinayaa waa maxay masaalixda ka dhaxeysa mareykanka, Qaramada Midobay,Ciidamada AMISOM, Kooxda Riddada, Ururuka Dib u xureynta iyo Midowaga maxaakiimta ee ay garoonka muqdisho ka wada leeyihiin? Jawaabtaas Dadweynahaan u diray!!!!

Advertisements

Faallooyin»

1. qadra - Seteembar 27, 2008

walaahi u malayn mahayo ururkii maxaakinta in ay wax dan ah uga xirneyd xirida la xirey garonka laakin intoda kale waa la garan karaa ujeedada weyn oo ay ka lahaayeen ama ku qabsan jireen garoonka iyagoo ay u isticmaali jireen sida ay doonaan hub iyo raashinah ugu soo degi jirey marka waxaan ku faraxsanahay xirida la xirey garoonka waana ku caawinayna arrintaas alshabab


U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: