jump to navigation

Al Shabaab iyo Mujahidiinta Raaskaanbooni ee hoos taga Sheikh Xasan Turki ayaa ka soo qulqulaya magaalada Kismaayo iyagoo ku soo jeeda Magaalada Muqdidho, Seteembar 25, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

(25-09-2008) Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoogan oo ay wadaan xoogaga Al Shabaab iyo Xoogag la sheegay hoos tagaan Sheikh Xasan Turki kuwaasi oo dhawaanahaan ka yimid Dhinaca Jubooyinka waxaana hor ka cayey Sargaal la sheegay in uu Ururka AL Shabaab u qaabil san yahay howgalada Gobolka Banaadir,

Ciidamadaan dhowaanahan soo gaarey Gobolka Banaadir ayaa wararku sheegayaan in ay si’aad ah u hubeysan yihiin waxeyna kamid ahaayeen Xoogagii Col,Barre Hiiraale ka Ceyriyey Magaalada Kismaayo
iyagoo hada u soo jeestey in ay howlo ka bilaabaan magaalada Muqdisho gacana siiyaan xoogaga kadagaalama Magaalada muqdsiho halkaas oo ay joogaan ciidamada ugu faraha badan ee duulaanka Gardaradaa ku soo qaaday dalka Somaliya,

Sargaalka u sareeya Xoogaga hoostaga Xasan Tuki ninka lagu magacaabo Sheekh Maxamed Muxumad Cali (Dulyadayn ) ayaa isagu durbadii ka dhawaajiyey in ay iyagu hurmuud u ahaayeen howlihii habeenadii la soo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho isagoona intaasi ku daray in aysan jirin waxlayiraahdo Maxkamado islaamiya laguna kala tegey kadib markii hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamiga uu Heshiisla galay cadowgii illaaheyn,

Xoogaga Al Shabaab ayaa iyagu xariir wanaagsan laleh Mujahidiinta uu hogaamiyo xasan Tuki waxaana wararku sheegayaan in imaatinka Mujahidiinta uu horkacayo Sheekh Maxamed Muxumad Cali (Dulyadayn ) ay igayu ka danbeeyey kadib markii ay ku guuleysteen in ay Xasiliyaan Magaalada Kismaayo.

Al Shabaab ayaa iyagu umuuqda kuwo doonaya in ay markaan awoodooda saaraan Magaalada Muqdisho hadiiba sida wararka lagu helaayo ay Xulufo la sameystaan Kooxda xasan Tuki warar hoose oo laga helaayo Saraakiisha Al Shabaab ayaa sheegaya in howlihii xoogagu ayka wadeen koofurta Somaliya soo afjarmeen hadana loo soo jeestey dhameystirka inta hartay,

Dalkanews, Muqdisho
edited by Maamual

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: