jump to navigation

H/Sacdiya “Cambaareyn Shacabka la Xasuuqay” Seteembar 23, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Maqaalada iyo Muuqaalka, Wararkii u dambeeyay.
trackback

Muqdisho,23,Sept,2008,Talaado,(Hillaac.net) Mahad waxaa iska leh Allaah SW Waxana Xumaani ay ka Huwfan tahay Suubaneheenna (NNKH) Nabi Muxammed intaa ka gadaal, Waxaan canbareynayaa Xasuuqii foosha xumaa ee ay ciidamada huwantu ku xasuuqeen Shacabka Soomalayeed ee aan waxba galabsan waxana aan Tacsi tiiraanyo iyo murugo leh u dirayaa dadka la laayey Eheladoodii iyo Qaraabadoodii in uu ilaahey samir iyo iimaan kasiiyo dhamaanteena nagasiiyo.

Shacabka Somaaliyeed oo ay had iyo goor Xasuuqa u geystaan Kufaarta madoow ee Ugaandha, Wuxuushta Tigreega Iyo Camiiladoodaba Waxaan ilaaheey intooda dhimatey uga Baryayaa in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu caafimaad taama siiyo.

Ninkii Soomaali ah ee u heystow Ugandha in ay ugu timid in ay bad baadiso ogow mar hore iyo mardanbaba waxey yihiin waa kuwaa maantey boqolaal shacab soomaaliyeed ah ku xasuuqey Caasimaddii Soomaliya, Qofkasta oo caqli lahow isweydii maxey kuugu timid kufaartaan mad-madow ee ugaandha? maxeyse kuu sameeyaan dadkeenii ayaga ku qaxey intey silsilado iskugu xirxireen ayey beeraha ku fashaan biyo iyo baadna waa u diideen arxandarro intey ka gaareen.

Biiskiibar ma’ahan ee waa balaayo kiibar Tigree iyo Ugaandha waa naloo adeegsadey sidey noo xasuuqi lahaayeen soomali inta kahartey,Soomaaliya ilaahey baa u maqan kan xabaddu dishey, kan wax uu cuna aan heysan , kan dhaawaca la ildaran dhiig lagu shubo aan heysan, kan geedaha hoostooda Roobabka iyo dhaxantu ku dileyso, kan bada ku lumey, kan saxaraha Suudan iyo liibiya ku dhintey, ilaahey baa innoo maqan nimanka wada jaga doonka ohow adinkaa la idin weydiinaa waxaad ummaddan u balanqaadden balamada beentaa oo aad qaaddeen adinkoo wada jago doon ah ilaahey midka baqaayana uusan idinku jirin.

Kuwa shirka meelaha la fadhiyow waxaad noqoteen dhurwaagii Hasha naasaha ka goostey nirigtana ka goostey faruuryaha ee markuu maqley nirigta halagu celiyo hasha intuu qosley yiri maxey ku nuugtaa maxeyse ka nuugtaa?.

Marka maxaad ku shirtaan maxaadse ka shirtaan Ummaddii waa la dhammeeyey ,Soomalidu waxey tiraahdaa dibiga naasa adag iyo magaceyga maxaa kulmiyey maxaa kulmiya gumaadka dadka iyo shirkiinna maalinta loo fadhiyo?, In shacabka masaakiintaa lagumaado Bakaarahana la duqeeyo maalinkasta oo aad shir yeelataan Maxaa keenay?, Gumaadka dadkakana mid ka hadlaa ama kadamqadaa uusan idinku jirin amuuraha allow sahal.

Wabillaahi Towfiiq w/q h/sacdiya
caaliya_90@hotmail.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: