jump to navigation

(Dhageyso) Shariif Sheekh Axmed “Xal uma Aragno in Magac Diimeed Dadka lagu dhibo Garoonka Dayuuradahana lagu xiro” (Cajiib) Seteembar 23, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

Muqdisho,23,Sept,2008,Talaado,(Hillaac.net) Shariif Sheekh Axmed oo Wareysi dheer siiyey mid ka mid ah Idaacadaha Afka Soomaaliga ku baxa(VOA) ayaa sheegay in ay aad uga soo horjeedaan Xirnaanshaha Garoonka Muqdisho Isla markaana aaney Xikmadi ku jirin in Waqtigan Xaadirka ah Shacabka Soomaaliyeed Dhibkii haystay Dhib kale loogu daro Haddii aanan dhibka laga qaadi karin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu Shariifku Qiray in alshabaab ay yihiin Dad Soomaaliyeed oo Dhulkoodii loogu yimid, kana mid yihiin Muqaawamada Cadawga kula Dagaallameysa Gudaha Waddanka, Waxase uu Xikmad la’aan ku sheegay Go’aanka ay ku gaareen in Garoonka Diyaaradaha lagu Xiro Garoonkaasoo uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Faa’iidooyin, Inkastoo Cadawgana uu soo hadalqaaday in ay Qudhoodu Isticmaalaan.

“Waa wax laga Xumaado in Shacabka Soomaaliyeed lagu Dhibaateeyo Magac Diimeed, Garoonkana lagu xiro Magaca Muqaawamada” Ayuu yiri Shariifka mar uu ka jawaabayey Su’aal uu Wariyuhu weydiiyey.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Shariif Sheekh Axmed eedeeyo Mujaahiddiinta Alshabaab , Isagoo Eedeyntan tii ka horreysayna Shabaabka ku Cambaareeyey Qabsashadii Kismaayo.

Halkaan ka dhagayso wareysiga sheekh shariif ee VOA-da.

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: