jump to navigation

Shacabka Soomaaliyeed Waxay Ku Qanacsan Yihiin Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka. Seteembar 21, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Maqaalada iyo Muuqaalka.
trackback

Waa xaqiiq marag madoonto ah in amnigu yahay bahida koowaad ee uu maanta qabo shacabka Soomaaliyeed sidaa darteed helida Amni waara ayaa Allaah waxa uu sharuud uga dhigay iimaan dhab ah oo aanu dulmi ku dheehnayn, iimaankaa dhabta ah waakan nagu hogaaminaya in aan ku dhaqano shareecada Islaamka.

hadaba shacabka soomaaliyeed oo kasoo daalay guuldaro iyo darxumana ka dhaxlay xukuno ku dhisan Dimoqoraadiyad, Shuuciyad, Diktatooriyad, iyo Jabhado qabiil oo dhamaantood hareermarsan shareecada Islaamka, ayaa kaba daran kuwaase waxaa shacabkii qabsaday Tigree Macatab ku dirir ah oo barakicin iyo baabi’inta shacabka soomaaliyeed qandaraas uga soo qaatay gaalada waaweyn.

waxaa inla xasuusto mudan Tigree-gu in uu yimid mar uu shacabku dhadhamiyay Amni iyo Barwaaqo uu Allaah ku manaystay kadib markii la oogay shareecada Islaamka waa Lixdii bilood ee hahabiga aheyde.

sidaa darteed waayaydan dambe waxaa soo ifbaxay bisayl iyo faham dheeri ah oo Allaah uu haleeshiiyay inbadan oo kamid ahaan jirtay gaalo raacyada oo garawsaday in ay Allaah ka dheeraansho tahay howsha ay gaalada la wadaan, dibna ay uga towbadkeeneen, waxaase kasii qurux badan in dhamaan waxgaradkii gobolada dalka intoodii badnayd ay isku raaceen in ay hirgaliyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Marka laysku soo wada xooriyo arimaha soomaaliya ayaan waxaan lee yahay majiro xal aan aheyn in lagu dhaqmo shareecada Islaamka maxaa yeelay ma jiro wax kale oo laysku aamini karo ama lagu kala badbaadi karo.

C/salaam Axmed (Abuu Cubayda)

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: