jump to navigation

Maamulka maxaakiimta islaamiga ah ee Baladweyne oo cafis u fidiyey saraakiishii u qidmeyn jirrey xabashida ee ka tirsanaa DKMG. Seteembar 21, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN: iyadoo cabsiga, hanfariir iyo baqdin xoog leh ay soo foodsaartay saraakiil ka tirsanaa DKMG oo Baladweyne xabashida kala howlgali jirrey iyo waliba qaraabaada raga maamulkaasi hore ka tirsanaa ee balse magaalada ka hayaamay, ayaa maamulka maxaakiimta ee Baladweyne waxa ay cafis u fidiyeen dadkaasi.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay in ay cafis u siinayaan Saraakiisha Gobolka Hiiraan ee Dowladda Federaalka KMG ah la shaqeyn jiray.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii cabsi xoogan ay la soo daristay xubno saraakiil ah oo horay ula shaqeeyay maamulka gobolka ee DF iyo ehelada saraakiil badan oo ka baxay maamulka G/Hiiraan ka dib markii dhawaan la dilay sidoo kale sarkaal ka tirsanaan jiray Booliska Gobolka.

Xuseen Muxumed Gaagaale oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee G/Hiiraan oo ka hadlay arrintan cafiska ah ayaa waxa uu sheegay in ay saamaxeen dhammaan Shaqsiyaadkii Maamulka DF uga wakiilka ahaa G/Hiiraan.

Sarkaalkan ayaa waxaa uu sheegay in aysan daneyneynin inay beegsadaan shaqsiyaadkii lasoo shaqeeyay DF loogana baahan yahay inay ka waantoobaan dambiyadii ay galeen cafisna ay weydiistaan ILAAHAY iyo dadka ay dambiyada ka galeen.

Sheekh Xuseen Muxumed Gaagaale oo Maxkamadaha u hadlay kuna sugan magaalada B/weyne markii uu hadalkani sheegayay ayaa waxaa sidoo kale hadalkiisa kusoo beegmaya xilli todobaad kahor ay si nabad ah Ciidamada Ethiopianka kala wareegeen Magaalada B/weyne kadib markii Ciidamada Ethiopia ay halkaasi isaga baxeen iyadoo ilaa hada aan lagaran sababta keentay in ay ka baxaan.

KismaayoNews.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: