jump to navigation

Maamulka islaamiga ah ee Kismaayo oo KismaayoNews oga waramay arrimo soo kordhey. Seteembar 21, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN: Maamulka islaamiga ah ee Kismaayo ayaa KismaayoNews u sheegey in la buuxiyey xubno maamulka Kismaayo ka mid ah oo banaanaa, halka xubin harsan barito la buuxin doono, waxaa kale oo maamulka uu ka hadlay go’aan maamulka uu kaso saaray arrimaha saxaafada gobolka ka howlgasha.

Afayeenka maamulka islaamiga ah ee Kismaayo Sheekh Xassan Yacquub ayaa sheegey in la buuxiyey xafiiska arrimaha bulshada oo loo magacaabay nin uu magaciisa kusoo koobey mudane Farxaan oo magaalada Kismaayo caa ka ah, isla markaana ka mid ah raga ganacsatada ah ee magaalada, sidoo kale sheekha waxa uu sheegey in barito lagu waddo in la buuxiyo xafiiska garsoorka oo isaguna banaanaa tan iyo intii maamulkani la dhisey, waa uu ka gaabsaday in uu sheego cidda loo magacaabay.

Sheekh Xassan Yacquub ayaa sidoo kale KismaayoNews oga waramay qodobo ay kasoo saareen qalabka warbaahinta ee gobolka ka howlgala iyo saxafiyiinta, wuxuu yiri “qodobada waxaa ka mid ah in ay isdiiwaan galiyaan, in saxafi kasta uu shacabka kala midyahay xagga xuquuqda oo ciddii dambi gasha ama tabinta warar been abuur ah lagu helo la marin doono waxa ay diinta ka qabto, in ay wararka ay maamulka ka tabinayaan u isticmaalaan erey bixin wanaagsan, oo eysan ku hadaaqin magacyada xunxun ee cadowga noogu yeero, sida kuwa dowlada kasoo horjeeda, kooxaha kismaayo heysta iyo wax la mid ah, waxaan kaloo u balan qaadney in shaqadooda loo fasixi doono in ay si hufan u gutaan, iyaguna caboshooyin ayay soo jeediyeen, dib ayay isugu noqdeen oo waxay soo qorayaan waxa ay naga tabanayaan, maanta ayay aheyd in ay noosoo gudbiyaan qodobada ay rabaan, laakiin barito ayaan hadda balansanahay, waxa kasoo baxa kulankeenana saxaafada ayaan u sheegi doonaa”.

Sheekha ayaa sheegey in ey munaasab tahay qalabka saxaafada ay ka qeyb qaataan xoreyta dalka, eysanna jirrin wax xad la’aan oo la yiraahdo xor ayaan nahay oo waxaan rabno ayaan sheegeynaa. Mar uu ka hadlayay maamulka ayuu sheegey in 4 bilood iyo baryo u harsanyahay maamulkani, intaasina ka shaqayn doonaan howlaha loo igmaday, kadibna xilka ku wareejin doonaan maamulka ay doortaan dadweynaha gobolka.

KismaayoNews waxa ay ka mid tahay qalabka warbaahinta gobolka kuwooda ugu firfircoon, waxana ay maamulka islaamiga ah ee Kismaayo ka heshay ogolaansho buuxda oo ku saabsan in ay si buuxda oga howlgali karto Kismaayo, shabakadaha wixii hadda ka horeeyey saxafiyiinta oga howlgasha waxa ay ku shaqayn jirren xaalado qalabsan oo eysan shaacin karrin halka ay ka howlgalaan, waxaana shaabakada u shaqayn jirrey saxafiyiin ka howlgala saxaafada Kismaayo gudahadeeda ka howlgasha.

KismaayoNews.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: