jump to navigation

Jawaasiis dil toogasho ah lagu fuliyey Jubbooyinka iyo jufooyin Amiir Xassan Turki la kulmay. Seteembar 21, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN:Tiro aan la sheegin oo jawaasiis ah ayaa maalmo ka hor lagu fuliyey dil toogasho ah, kadib markii muddo baaritaan ku socday lasoo afjaray, maxkamadna la hor keeney, ragani waxaa ka mid ah nin darajo ciidan lahaa halka inta kale ay ahaayeen kuwa u tabobaran howsha basaasnimada.

Waa jawaasiis, jiffo ma lahan, dadkuna ma jecla, waa jooflayaal dambiyo jariimo ah galay, Jubooyinka ayaa lagu soo fasaxay si ay u mijjo xaabiyaan dadaalada mujaahidiinta ay nabbada ku aslaaxinayaan.

Iyagoo ku jirra howlaha loo igmaday ee jaajuusnimada, ayaa waxaa gacanta ku dhigey maamulka islaamiga ah ee Jubbooyinka ka jirra, lama yaqaano tirada ay yihiin, xiliga la hayay, iyo magacyadooda(wallow aysan muhiim ahayn in saxaafada lagu faafiyo), waxaa la sheegey in baaritaan dheer oo ay wadeen waaxda sirdoonka iyo muqaabaraadka maamulka islaamiga ah ee Jubbooyinka, lagu heley cadaymo ku fillan oo maxkamad islaami ah lagu soo taagi karro, taasoo la yeeley, kadibna maxkamadii ay ku heshay dil toogasho ah, waana lagu fuliyey xilli maalmo ka hor oo aan sidoo kale naloo cayimin.

Raga la toogtey waxaa ku jirra nin darajo ciidan lahaa oo magaciisa ay KismaayoNews garanayso, balse aysan munaasab ahayn in la faafiyo, waxaa la sheegey in ragani oo muddo billooyin ah gacanta lagu hayay ay ka mid ahaayeen illaa 18 basaas oo gobolka lagu soo daayay, lama oga in ragani la wada qabtay, haddii la wada qabtayna la wada dilley, laakiin ragani ugu dambeeyey waxaa dilkooda la fuliyey markii cadaymo dheeraad ah oo dambiyadooda ku saabsan laga heley Kismaayo oo la sheegey in muqaabaraad dheeraad ah laga heley.

Jubbooyinka waa meel carro-san u ah (fertile) jihaadka, sidoo kale waa meel carro-san u ah jaajuusnimada, awood kasta oo jecel kala jabinta ummada islaamka ah, waxay soo adeegsataa ninka kuugu dhow si uu ugu soo jaajuuso, balse howlihii jaajuuska waa kuwo isa soo afjaraya, taasina waxay kutimid gacanta birta ah ee maamulka islaamiga ah ee Jubbooyinka ka jira uu ku hayo dadka howlahaasi ku lugta leh.

Dhanka kale warar hoose oo aanu helnay ayaa tibaaxaya in jifooyin Jubbooyinka wax ka dega qaarkood ay kullamo la yeesheen Amiin Sheekh Xassan Turki, Amiirka ayaa la sheegey in jifooyinkaasi uu u sheegey in eey si buuxda u taageeraan maamulka islaamiga ah ee gobolada ka jirra, waxa uu u ballan qaaday in nidaam cadaalad ah lagu dooran doono maamul ay u dhanyihiin beelaha oo ka hergal 3-da gobo lee labbada Jubbo iyo Gedo, madaxda dhaqanka ee Amiirka la kullantay ayaa iyaguna dhankooda cabashooyin u gudbiyey, kuwaas oo uu ka qanciyey intii macquulka ahayd.

KismaayoNews.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: