jump to navigation

Jannadu Raqiis Ma Ahee Ha Loo Rafaado Qaybta Kowad Seteembar 21, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Islamic Perspectives, Maqaalada iyo Muuqaalka.
trackback

Waxaa mahad idaylkeed iska leh Allaha candhuuf inaga abuuray, caloosha hooyadeenna inaga soo saaray inagoon garasho lahayn ka dibna inagu manaystay indho wax lagu arko,
dhago wax lagu maqlo iyo maan wax lagu garto. Naxariista Alle & nabad-galyadiisu ha ahaato nabigeena dushiisa.
Qoraalkanu waa isku day lagu muujinayo mushkiladaha adduunka ee qofka & jamaacada muslimkaba soo food-saaraya, siyaalaha kala gadisan ee dadku u maareeyo iyo sida ugu
haboon.
Marka ugu horeeysa waa in qof walba oo Muslima uu ogaado in duruuf kasta oo adduunka inoogu timaadda ay tahay imtaxaan Illaahay inagu eegayo sidaan uga jawaabno. Illaahay wuxuu quraankiisa meello badan inoogu sheegay in inta aan
noollahay aan nahay uun imtaxan u joog. Aayadda labaad ee suuradda Al-mulki iyo sidoo kale tan labaad suuradda Al-insaan wuxuu Illaahay labadaba ku sheegayaa inuu ina abuuray si uu inoo imtaxaamo
الذي خلق الموت والحياة ليبلوكم أيّكم أحسن عملا وهو العزير الغفور
Aayaddan waxaa macnaheedu yahay; “kii weeye [Illaahay] abuuray nolasha iyo geeridaba si uu idiin imtaxaamo bal kuwina camalka fiican. Isaguna [Illaahay] waa midka raynta badan dambigana dhaafa”
إنا خلقنا الإنسان من نطفة أمشاج نبتليه فجعلناه سميعا بصيرا
Aayaddan waxaa iyana uu Illaahay ku leeyahay, “dadka waxaan ka abuuray candhuuf si aan u imtaxaanno, deedna waxaa ka yeelay mid wax arka waxna maqla”. Yaynan inaga hoos dusin in

xidhaan, ayaa haddana waxaa uu Illaahay si gaara inoogu sheegayaa in Muslimiinta aad loo imtaxaami; waddadaasuna tahay waddo la marsiiyo dadka Illaahay jecelyahay. Bal aayadahan hoos ka muuqdaa mid walba si qoddo dheer u dhugo.

لتبلونّ في أموالكم وأنفسكم ولتسمعنّ من الذين أوتوا الكتاب من قبلكم ومن الذين أشركوا أدى كثرا وإن تصبروا وتتقوا فإنّ ذلك من عزم الأمور
Illaahay wuxuu aayaaddan ku leeyahay, “Imtaxaan baad kala kulmaysaan xoolihiina iyo naftiinaba, dhib badanna waad ka maqlaysaan Ahlu-kitaabka iyo gaalada kaleba, balse
sharaftu waa inaad sabirtaan Allena aad ka cabsataan” (Aala-Cimraan, 186). Sabirka Illaahay inoo amaanayo waa xaqa oo lagu samro dhibta inna haysana aynan inoo horseedin inaan diinta tanaasulaad ka samayno.
Taariikhdii tagtay iyo middan hadda socotaba waxaa ka buuxo cashiro & tusaalayaal muujinaya in mar walba inta daw-darada ku socota ay dhibi jireen ama maantaba dhibayan dadka xaqa qaata. Dhibka intiisa badan wuxuu ku dhici jiray kuwa Illaahay u jecelyahay oo ah rususha iyo awliyada. Bal hadda aayadahan hoos u miliilic Aayadda 13aad ee Suuratu Ibraahim wuxuu Illaahay ku leeyahay ”gaaladu waxay rusushoodii ku dhaheen ‘wallee waanu idinka musaafurin dhulkanaga ama gaalnimadkanaga ayaad soo galaysaan” La soco Qaybta labaad

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: