jump to navigation

Cabdinaasir Saxansoxo “ waan soo dhaweynaynaa baaqa Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ay warbaahinta gobolka usoo jeediyeen”. Seteembar 21, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN:Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (saxansoxo), oo ah saxafi kasoo jeeda goboladda Jubbooyinka,kana tirsan bahda KismaayoNews.com , dalkana musaafuris iskiis oga maqan, ayaa soo dhaweeyey baaq dhawaan uu soo saaray maamulka islaamiga ah ee Kismaayo, kaas oo saxaafada gobolka ugu baaqaya in ay ka shaqeeyaan danaha gobolka. Saxansoxo ayaa hadlayay waxyar kadib xariir qadka taleefoonka ku dhexmaraya isaga iyo Sheekh Xassan Yacquub oo ah xoghayaha saxaafada ee maamulka islaamiga ah ee Kismaayo.

“ si kal iyo laab ah ayaan usoo dhaweeynayaa hadalka kasoo yeerey Sheekh Xassan Yacquub, waa lagama maarmaan in saxaafadu ay noqoto laf dhabarta nabbada dalka iyo ka xoreynta cadowga, waxaanan ugu baaqayaa in qalabka warbaahinta Jubbooyinka ee website-yada u baddan in ay maamulka la qaataan soo jeedintiisa” ayuu yiri Saxansoxo.
“waan la xariirey maamulka Kismaayo, waxaanan kala hadlay arrimahani xagga saxaafada ah, waxaan u xaqiijiyey taageerada aan u heyno aniga iyo saxafiyiin gobolka kazoo jeeda oo dibad joog ah iyo kuwa dalka ku sugan, runtii aad ayuu ugu farxay si diiran ayuuna usoo dhaweeyey hadalkeena”

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegey in saxaafada iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Islaamka ah aysan marnaba dhexdhexaad ka noqon karrin gumeysiga Kiristaan ah ee dalka kusoo duuley iyo halgamayaasha dalka xoreynaya ee mujaahidiinta muslimiint ah “ waa caqli xummo, in nalaga fisho in aan dhexdhexaad ka noqono xabash iyo xornimo u dood Soomaaliyeed, waliba diinta islaamka wax ku maamulaya, dadku mar ayay maqleen saxaafadu waa dhexdhexaad, maba xumee, maxaan dhexdhexaad ka nahay? Ma waxaan dhexdhexaad ka noqonayaa xabash iyo dalkeeyga hooyo, ma waxaan dhexdhexaad noqdaa iyadoo Xamar uu taangiga xabashida dadka dul marayo, hal malyan iyo bar dad ah laga qaxshay, 80 isbitaal aysan labbo ka shaqaynin, 6 jaamacadood aysan mid kaliya ka furneyn, 400 dugsi sare iyo dugsi dhexe aysan 10 ka furneyn, masaajidadii iyo iskuulaadka xero ciidan ay u tahay xabashida, wasaaradii gaashaandhiga dalka oo ah astaanta cududii dalka ay saldhig u tahay cadowgii dalka? Bal ii sheeg waxa aan dhexdhexaad ka noqonayo? Waa kee suxufiga reer galbeedka ah, ama qalabka saxaafadeed ee reer galbeedka ah, sida wargeyska New York Times kusoo qoratay Usama Bin Laden waa nin halyeey ah ama geesi ah ama fiican, waa kee saxafiga reer galbeedka ah ee Amiir Xassan Turki CNN kaga faaloonaya in uu yahay nin dadkiisu jecelyihiin, wax baddan u qabtay, dadkiisa iyo diintiisana difaaceeda u danno seegey?, iyada oo ay jawaabti maya tahay, hadane waxaa nasiib darro ah in dadkeenu qaswul firk lagu sameeyey (gumeysi maskaxeed), loona tusiyey in saxaafada reer galbeedku ay tahay mid run sheeg ah, dhexdhexaad ah, tusaalana u ah fiicnaanta, war waad hurudaane, toosa”.

Saxansoxo ayaa dhawaanahan wadday qorshe isaga iyo saxafiyiin kale ay wadeen oo ku saabsan sidii qalab warbaahin loogu asaasi lahaa meelaha gobolka aysan saxaafadu ka jirrin, isagoo arrimahaasi ka hadlayo wuxuu yiri “dadaal ayaan wadnaa, gobolka intiisa baddan kama jirto saxaafad, dadku waa dhago xiranyihiin, iclaamkana waa sheey muhiim ah, haddii aad dooneysid in aad umad dhistid, oo aad ku baraarujisid wanaaga iyo hormarka, waa in aad heystaaa qalab warbaahin oo dhaqan gal ah, waa howl culus oo baaxad leh, una baahan dhaqaale iyo go’aan adag, waxaan wadnaa dadaal jaaliyaadka dibaddaha iyo shaqsiyaad ganacsato ah aan ku dhiiragalinayno in ay gobolkii geeyaan qalab warbaahin , waa howl biloow ah, laakiin muddo dheer ka guuxeysay maskaxda dad baddan, bal u fiirso iyadoo uu aduunku hormaray, gobol kastana ay saxaafad ka jirto, hadane xaruntii Jubbada Dhexe ee Bu’aale wax saxaafada ah ma lahan, Afamdow sidoo kale, Jillib waa la mid, meelaha qaarkood xittaa ma joogaan wariyaal oga warama idaacadaha kale, idaacadaha Xamar ka jirra wariyeyaal uma dirsadaan magaalooyinkaasi, halkaasi waxaad ka garanaysaa heerka uu xaalka marayo, waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo danaynaysa wanaaga gobolka in ay qeyb ka qaatado in gobolka la geeyo qalab warbaahin oo hormarka ka qeyb qaata” ayuu yiri Cabdinaasir Saxansoxo.
Waxaa xusid muddan in Jaaliyada Jubbooyinka ee Ingiriiska ay ahayd tii ugu horeysey oo qorshe ahaan soo jeedisa in qalab warbaahin gobolka loo sameeyo, soo jeedintaasi oo la filayo in ay ficil isu rogi doonto, waxaa kaloo jirra jaaliyaad kale oo iyaguna hadal haya qorshahani.
Hadalka saxansoxo wuxuu yimid iyadoo dhawaan maamulka islaamiga ah ee Kismaayo ay kulan la qaateen saxafiyiin Kismaayo ku sugan, una soo bandhigeen qodobo ay ka midyihiin in ay la shaqeeyaan maamulka, kana shaqeeyaan danaha dadka iyo dalka, qodobadaasi ayay saxafiyiintu sheegeen in ey jawaab kasoo bixin doonaan.

Kismaayo waa meesha kaliya ee gobolka ka mid ah oo Idaacad ay ka jirto, waa Idaacad FM ah oo ay leedahay Horn Afrik, waxaa laga dhagaysan karraa masaafo 30km ah, waxaa kale oo magaalada ka jirra wargeysyo lagu qoro waraaqaha A4 loo yaqaano oo ay soo daabacaan madbacado liida, sida qalabka Duplicator-ka (badiyaha) loo yaqaano, waxaa kaloo jooga Kismaayo wariyaal wakiil u ah inta baddan idaacadaha Xamar ka jirra iyo website-yo, inta kale gobolka xittaa wariyeyaal ma joogaan iskaba dhaaf qalab warbaahine, dadkuna waxay ku tiirsanyihiin BBC-da laanta Afka Soomaaliga oo 4 xilli soo gasha.

Inta baddan qalabka warbaahinta gudaha, gaar ahaan kuwa ka howlgala meelaha cadowgu heysto, ayaa lagu qasbaa in ay aflagaadeeyaan ama erey bixino qaldan ugu yeeraan xoogaga kacdoonka shacabka, halka dowlada Dabadhoonka ah ay jagooyin iyo darajooyin ku taxaan, taas ayaa keentey in Maamulka Kismaayo saxafiyiinta Idaacadaha Xamar u waranta ay ka fiirsadaan ereybixinta ay maamulka ku tacriifinayaan.

FG: haddii aad dooneysid in aad gacan ka geysato dadaalka uu Saxansoxo waddo, kala xariir Tell: +27767059384, ama Email: saxansoxo1@hotmail.com, ama Saxansoxo114@gmail.com .

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: