jump to navigation

Malaaq Maxamed Ibraahim Garoore, oo mid ah Odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle oo shegay in Xiligan Soomaaliya ay ka jirin wax dowlad ah Seteembar 21, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

War ay Maanta siiyeen warbaahinta qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay ku sheegeen in aanu Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah, taasoo laga dareemi karo waxyaabaha ka dhacayo gudaha dalka iyo Dhibaatooyinka Shacabka lagu hayo.

Xubno ka tirsan Golaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay si aad ah uga hadleen dhibaatooyinka soo kordhaya ee ka taagan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan degmooyinka ku yaalla Inta u dhexeyso labada Wabi ee ay dageen dadka ku abtirsada Beelaha Digil iyo Mirifle, hase yeeshee waxay sheegeen in iyagu aanu aaminsaneen in Dalka Soomaaliya ay ka jirto dowlad, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Odayaasha Digil iyo Mirifle ayaa waxay Maleeshiyaadka Copiga ah ee uu hoggaamiyo C/llaahi Yuusuf, ku tilmaamay mid haba yaraatee awood aan u laheyn in ay wax ka qabato dhibaatooyinka soo gaaraya Bulshada Soomaaliyeed.

“Dowladda iminka ka jirta dalka Soomaaliya ayaa ka dambeysa falalka ammaan dari ee ku soo kordhaya dalka iyo dhibka heysta Bulshada Soomaaliyeed“ Sidaa waxaa sheegay Malaaq Maxamed Ibraahim Garoore, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay sameystaan Dowlad ku dhaqda dadka Shareecada Islaamka isla markaana sheegay in iminka aan dalka ka jirin dowlad Sharciyadeed.

Malaaq Maxamed Ibraahim Garoore ayaa intaasi ku daray in ay ka xun yihiin falal dambiyeedka ay Ciidamada Ethiopian-ka ka geysanayaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Gudaha Magaalada Baydhabo gaar ahaanna kii dhowaan ay ka geysteen Bartamaha magaalada Baydhabo kadib shilkii dhacay oo ay Ethiopian-ka dad badan ku xasuuqeen.

Balse hadalkan ka soo yeeray Odayaasha dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaan la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo Xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com
Editing by Maamual

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: