jump to navigation

Xuuraan: Qaanuunka shimbiraha ee madaxweynaha Dabadhilfka iyo Qalalaasaha garoonka Adan Cadde oo aan fari ka qodneyn. Seteembar 20, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Maqaalada iyo Muuqaalka, Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN: Dayuurad u muuqatay in ay samaynaysay duulimaad tijaabo ah (acid litmus test= tijaabo kiimikeedka warqada litmus-ka loo yaqaano lagu sameeyo), taas oo war dooneysey in hanjabaada Al-shabaab ee ahayd in ay duqeyn doonaan dayuuradii garoonka kusoo degeta in ay tahay hanjabaad biyo-xajinaysa (run ah), ayaa sababtay dhimashada inka baddan 20 qof oo rayid ah, 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen, dhanka kale Cabdullaahi Yuusuf ayaa soo saaray qaanuunka shimbiraha.

Dayuurad ku xardhan tuutaha militariga oo ay leedfahay dowlada Uganda, ayaa noqotey tii ugu horeysey oo gashay tijaabada garoonka Adan Cadde, balse waa tijaabo galaafatay nafta darsano dad ah, kuwa kalana ay si daran ugu waxyeeloobeen, tani waxay timid markii madaafiic aan loo meeldayin ay is weeydaarsadeen ciidamada shisheeye, iyo kuwa DKMG ah oo is garabsanaya iyo xoogaga kacdoonka oo meel kasoo jeeda, ciidamada Amison ayaa la sheegey in ay madaafiic si aan loom eel dayin ola dhaceen meelaha dadka rayidka ah ay degenyihiin ee magaalada.

Dhacdadani waxay ka dambeysey markii xarakada Al-shabaab ay mabnuuceen isticmaalka garoonka Adan Cade ee dayuuradaha, taasoo kaliftey in garoonkii uu xirmo, sidaasi ku xirmo dhaqaalahii DKMG kasoo gali jirrey garoonka, balse waxaa mabnuucidaasi jabisey dayuurad ay leeyihiin ciidamada Uaganda oo saanad ciidan u siddey Ugandes-ka meesha jooga.

Iyadoo uu xaalka halkaasi marayo, garoonkii uusan shaqaynin inkastoo DKMG ah iyo xulufadeeda ay gacanta ku hayaan, haddane aysan sugi karrin amaanka garoonka, ayaa waxaa qaanuun cusub soo saaray Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Qaanuunkani wuxuu mabnuucayaa isticmaalka baasaboorkii hore ee Soomaliya ee cagaarka ah, wuxuuna amrayaa isticmaalka baasaboorka cusub ee E-Passpor. Hagaag. Bal u fiirso oo ka bogo tuducyada hoose, oo falanqeyn ka bixinaya arrimahani qalalaasaha garoonka.

Qanuunkani anigu waxaan ugu yeerayaa, Qaanuunkii Shirbiraha iyo inta baalka leh oo xittaa uu bini’aadamka oo dhanka Cabdullaahi Yuusuf baal leeyda ka mid ah.

Dadka amarka la siinayo ee qaanuunka laga soo saarayo, halkeey marayaan, gaadiid noocee ah ayayna tahay in ey isticmaalaan?, sow taasi micnaheedu ma ahn in dadka laga filanayo in eey haadaan, sidii iyagoo baalal leh?
Horta goorma ayay dadka baalal yeesheen?,kaba soo qaad in ay leeyihiin sida uu Cabdullaahi Yuusuf qabbo, halkani waxaa ah amar dowlo oo aan la diidi karrin, wuxuu yahay “dadku____ (shimbiraha haka reebin baalal ayay leeyihiine)___ marka ay buubayaan (haadayaan) waa in aysan isticmaalin baasaboorka cagaaran ee Somalia, ee waa in ay isticmaalaan kan Ethiopia (E passport)”. Go’aankani wuxuu dhaqan galayaa 30/09/08.

Haddii loo dheg raariciyo quud aan jirin u qoryo gurashada Cabdullaahi Yuusuf, taasi micnaheedu waxay noqoneysaaa in dadku baalal leeyihiin sidii haadii (shimbirihii), halkaasi waxaa ka dhalanaya in xittaa amarkani uu quseeyo haada iyo shimbiraha xabbada xabashida ka baxsanaya ee wadamada kale u haajiraya, wallow hadaladani ay u shanqarayaan wax aan aan suurogal ahayn, laakiin waxaad maanka ku heeysaa “nin hurdaya, wax kasta ku hami/hawoo”.

Sidaba laga yaabo in uu haleeley Amiin caamir oo dhawaan cartoon la yaab leh ka sawirey Cabdullaahi Yuusuf oo kursigiisa ku dul lulmoonaya, Nuur Caddana uu ag fadhiyo, kadibna Cabdulaahi Yuusuf ku riyoonayo Nuur Cadde oo cumaamadii Al-shabaab xiran, kadibna hurdada kasoo sasaya, ayaa go’aankani iminka kasoo baxayna uu u muuqdaa mid uu ku qarwey, kadibna kusoo sasay illaa uu isu maleeyo in xittaa uu shimbiraha xukumo.

Dowlada Cabdullaahi Yuusuf waxay kaloo soo saartay Qaanuun kale oo ay ku ay ruqsadii shaqada kala noqotey dhamaan shirkadaha dayuuradaha ee Soomaaliya ka shaqeeya, tani waxay ka dambeysey markii dayuuradahani ay u hogaansami waayeen amar dowlada ay soo saartey oo ku ahaa in muddo 24 saac gudahood ah dib u bilbaabaan howlihii duulimaadka ee ay garoonka ka wadeen kuwaas oo ay joojiyeen markii Al-shabaab ay digniinta soo saartay, laakiin Shirkadaha dayuuradaha ayaa kala doortey labbo darran, waxay doorteen midka sii daran mooyee, kan kale oo ah in ay lumiyaan shatiga ruqsada shaqada, halkii ay wajihi lahaayeen hoobiyeyaasha Shabaabka ooh anti iyo ku naf waayo lahaayeen.

Garoonka kaliya ma ahan meelaha xirran , waxaa kaloo xiran dekeda caalamiga ah oo aysan dhawaahan waxbo kusoo xiran, ma jirto digniin gaar ah oo loo jeediyey, laakiin dekeda oo masaafo ahaan aad ugu dhow garoonka ayay muuqataa in go’aanka garoonka lagu xirrey uu saameeyey.

Arrinta baasaboorada, waa murran taagnaa illaa maalintii dowladni dabadhoonka ah lasoo dhisey, baasaboorkani E-passport-ka ah waxaa lasoo saaray maalmo uun ka dib markii Xusseen Maxamed Faarax Caydiin oo markaasi wasiirka arrimaha gudaha uu fashiliyey qorshe ay dowladani watay oo ahaa in baasaboorka Ethiopia la isticmaalo, xuduudahana la’isku furro, taasoo Soomaaliya ka dhigeysa gobol ka mid ah Ethiopia, Caydiid ayaa yiri “dowlada Ethiopia walaalo ayaan nahay, xuduudaha ayaan isku fureynaa, hal baasaboor ayaan qaadanaynaa”, hadalkaasi maalmo ka dib ayaa lasoo saaray baasaboorkani ay ku qorantahay E-passport (Ethiopian passport), balse markii dowlada Cabdullaahi Yuusuf la weeydiiyey waxay ku fasirtay micnaha E, in ay tahay (Electronic Passport), bal u fiirso xittaa Maraykanka oo aad ogtahay heerka ay tiknoolijiyad ka gaareen, baasaboorkoodu E ( electronic) kuma qorna, iskaba dhaaf aduunyada kale, dowlad kasta waxaa ku qoran magaca dalka, waxaana tusaale ah Ethiopia oo baasboorkeeda ku dul qorantahay E passport, oo micnaheedu ay tahay Ethiopian Passport, isla baasaboorkii umbaa inaga naloo keeney, iminkana la rabaa in aan ku badalano kii aan inagu lahayn ee hantida qaranka ahaa ee cagaarka ahaa.

Dhanka kale haddii laga eego, midabka baasaboorka la mabnuucayo ee gacaarka ah, bal u fiirso midabkaasi muxuu ka turjumayaa?, sow ka turjumi maayo barwaaqo iyo nabad?, halkani waxaan ku heeynaa dad xittaa dagaal kula jirra midabada meel uun ka shabaha nabbada iyo barwaaqada, oo cadowtooyada ay Soomaaliya u qabaan iyo colaada ay la damacsanyihiin ay gaartay heerkaas.

Iminka arrinta waa ay kasoo tagtey, su’aasha ah dalka ma dowlad baa ka jirta? Waa ay kasoo tagtey kumaa maamula dalka intiisa baddan? Weey kasoo tagtay Banaadir yaa maamula? Weey kasoo tagtey Xamar yaa maamula? Arrintu waxay taagantahay, kumaa maamula 2 kiilo mitir ee isku wareega ah eek u xeeran garoonka iyo Soobe? Adigoo maanka ku haya baaxada uu dalka Soomaaliya leeyahay, misane dowladii dalka sheeganaysay in ay ka taliso, misane sugi la’ amaanka 2km, waliba heysta awoodii iyo ciidamadii ugu tirada badnaa ee gudaha Soomaaliya. Waxaa meeshaasi ka cad in furumihii dagaalka ay

koobmeen, guushuna ay qarka u saarantahay xoogaga kacdoonka eek u howlan xoreynta dalka.

Mashaqadani heysata garoonka Adan Cadde waxay fursad dahabi ah u furtey Kismaayo oo iminka la hadal hayo in lagu weecin doono dhamaan duulimaadyadii Xamar ka dagan jirrey oo dhan, iyo waliba maraakiibtii dekeda Xamar ku xiran jirtey oo dhan, sidoo kale waxa ay wajigabax iyo dharbaaxo sujuuda ka haleeshey ku tahay dowlada tabarta daran ee Cabdullaahi Yuusuf oo markanina weeyneysa dhaqaalihii yarraa ee garoonka kasoo gali jirrey.

Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo aan ku falanqeyno, kuna laffo gurno arrimaha dalka ugu muhiimsan.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo). Email: saxansoxo1@hotmail.com

source: Kismaayonews.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: