jump to navigation

Xasuuq kale oo cadowga Xabashidu dad rayid ah ugu geysteen magaalada Baydhabo. Seteembar 19, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

(18-09-2008)Ilaa 7 ruux ayaa ku geeriyootay xasuuq waxshinimo ah oo ay ciidamada cadowga Itoobiya maanta dad rayid ah oo aan hubeysneyn ugu geysteen magaalada Baydhabo ee ah xarunta gobolka Bay, waaxaana wararka halkaasi ka soo baxayaa sheegayaan in dadkaasi rayidka ah ay cadowgu laayeen kadib markii gaari ay ciidamada xabashidu wateen uu shil ku galay gaari kale oo rakaab ah.

Xasuuqa ay ku kaceen ciidamada Ethiopia ayaa muujinaya cadowtooyada ciidamada Itoobiyaanku u qabaan shacabka Soomaaliyeed, iyo waxshinimada lagu yaqaano tikreega, inkastoo qaar diin iyo damiir laaweyaal ah oo soomaali sheegta ay kabaha u baalashaan, baraxa u shushubaan, badarkana u kariyaan.

Ciidamada Ethiopia ayaa hore u sii kaxeystay wadihii gaarigaasi shilka la galay gaariga ay saarnaayeen ciidamada Ethiopia, iyadoo falkan uu argagax aad u xoogan ku abuuray dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Baydhabo.

Dhowaan ayey aheyd markii ay ciidamada Ethiopia dad rayid ah xasuuq kula kaceen ka dib markii gaari booyad ah oo ciidamadaasi biyo u siday lala eegtay waxyaabaha qarxa, gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: