jump to navigation

Shir Maanta Jabuuti uga furmay UDS Jabuti iyo Maleeshiyaadka Copiga Nuur Cadde oo markii ugu horaysay lakulmay Shiikh Shariif Seteembar 19, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

Waxaa Maanta Magaalada DJabuuti dalka Jabuuti ka furmay Wejigii 3-aad Shirka loogu Magac daray Dib Uheshiisiinta oo ay leeyihiin Kooxada Uds Jabuti iyo Dowladda Federaalka Somalia.

Kulanka Maanta Jabuuti ka furmay waxaa looga hadlayaa Ajandayaal dhowr ah oo ay ugu Muhiimsantahay sidii loo dhaqan gelin lahaa Heshiiskii Xabada Joonin kal hore lakala saxiixday.

Shirkan Maanta Jabuuti ka furmay waxaa goob joog ka ah Wufuud ka kala socoto TFG iyo Kooxda UDs dhinaca UDS. TFG waxaa Shirka u Metelaya Nuur Cadde iyo K/xigeenkiisa Axmed Cabdi Salaan dhanka UDS waxaa Shirka goob joog ka ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha UDS Jabuuti.

Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan arrimaha Somalia Axmedu Weldu Cabdalla ayaa madasha Shirka ka sheegay in laga gudbay xiligii loo dul qaadan jiray Kooxaha Nabadda diidan(Mujahidiinta) isagoona labada dhinac ugu baaqay in ay ka run sheegaan waxa ay saxiixayaan.

Shirkan ayaa kusoo aaday xilli Xoogaga Mujahidiinta ay sii laba laabeen dagaaladooda ay ku diidanyihiin Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo Maleeshiyaadka Copiga.

source.cadaado.com editing by Mamual

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: