jump to navigation

Howlihii garoonka iyo dekeda caalamiga ah ee Xamar oo loo wareejinayo Kismaayo. Seteembar 19, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

KN: Iyadoo todobaad ku dhawaad aysan wax shaqo ah ka soconin garoonka iyo dekeda Xamar ee caasimada Soomaaliya, ayaa wararka nasoo gaaraya waxay sheegayaan in howlihii xagaasi ka socon jirrey loosoo duwayo dhanka garoonka iyo dekeda caalamiga ah ee Kismaayo.

Sida ay sheegayaan wararka, waxaa soo kordhaya doonyaha sida shixnadaha badeecooyinka ah ee kusoo xiranaya dekeda Kismaayo, halka dayuuradaha ay bilaabi doonaan in ay si rasmi ah u isticmaalaan garoonka dayuuradaha Kismaayo , tani waxay ka dambeysey markii xoogaga kacdoonka shacabka ay xirreen labbaadasi il ee daqli ee lacagta kasoo gasha loo isticmaali jirey taabogalinta howlaha cadowga uu dalka ka waddo ee xasuuqa iyo barokicinta isugu jirra.

Ma ahan go’aan ay gaareen xoogaga kacdoonka ee magaalada ka taliya, ama kuwa garoonka Xamar xirrey, laakiin waa talaabo ku imanaysa daruurinimo ama lagamamaarmaan.

Garoonka iyo Dekeda Kismaayo ayaa si rasmi ah loo furey, iyadoo amaanka magaalada uu yahay 100%, maamulka magaalada ayay tahay in ay ka shaqeeyaan sidii raadaaro (qalabka lahula socdo dhaqdhaqaaqa gaadiidka hawada) ay ugu rakibi lahaayeen garoonka, si qalabkaasi uu u sahlo isticmaalka faraha baddan ee garoonka kusoo wajahan, halka dekeda aanan loo baahnayn wax qalab ah oo lagu rakibo, laakiin waxaa lagama maarmaan noqoneysa in dekeda loo habeeyo adeegeeda qaab ku filnaan karra in ay u qidmeeyso doonyaha iyo maraakiibta saxmadda ka abuuri doona dekeda.

In garoonka Kismaayo la isticmaalo waxa ay shacabka dalka u sahli doontaa in ay dalka ka dhoofi karraan, kana soo dagan karraan, iyagoo aanan lagu xirin E-passport-ka lagu waajib yeeley, xoriyad dheeraad ah, iyo adeeg hufan.

Tani waa wajigabax iyo dharbaaxo kulul oo sujuuda ka haleeshey dowlada dabadhoonka ah e tigreegu daba tikaarayo, ee taankiga ku joogta.

KismaayoNews.com

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: