jump to navigation

Afhayeenka Maxkamadaha “Waxaan Taageersannahay Go’aankii Alshabaab ay ku Xireen Garoonka Dayuuradaha Muqdisho, Waana Tallaabo Xagga Mileteriga Jab ku ah Cadawga oo ay ahayd Waddadii qura? Seteembar 19, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

Muqdisho,18,Sept,2008,Khamiis,(Hillaac.net) Sheekh C/Raxiim Cali Muudeey oo ah Afhayeenka Maxaakiimta Soomaaliyeed ayaa Caddeeyay in Maxaakiimta Islaamigu ay Taageersan yihiin Go’aankii ay Xarakada Alshabaab ku xireen Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Muqdisho, Isagoo Sheekha Caddeeyay in Arrinkaasi uu yahay Tallaabo Dhinaca Milateriga aad ugu Wanaagsan oo Go’doomintii ugu Darneyd gelisay Tigreega Waddanka ku soo duulay Maadaama buu Yiri Sheekhu Cadawga horay looga xiray Waddooyinkii Xagga Dhulka ahaa ee uu Isticmaali jirey Waddada Qura ee u hartay oo Saraakiisha Cadawgu ay ka Dhoofaan kana Soo degaan isla markaana ay Baqtigooda ka Dhoofsadaanna ay ahayd Garoonka Dayuuradaha Muqdisho.

Sheekh C/Raxiim Muudeey oo wax laga weydiiyey Hadal horay uga soo yeeray C/Raxiim Ciise Caddow oo ahaa in Maxaakiimtu ay Qilaafsan yihiin Go’aanka Alshabaab ayaa Arrinkaas ku Tilmaamay Ra’yi uu Shaqsi leeyahay, Isagoo Sheegay in Ninkaas looga Sareeyo Arrimaha Maxaakiimta Islaamiga ah Go’aanka Maxkamaduhuna uu yahay in ay la Mideysan yihiin Walaalahood Alshabaab oo ay la Qabaan Xiritaanka Garoonka Dayuuradaha oo Milteri ahaan iyo Siyaasad ahaanba Guul ah.

Hadalka ka soo baxay Mas’uulka Dhanka Warfaafinta ugu Sareeya Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa yimid kadib Markii Hadal Dadka Shaki geliyey uu ka soo yeeray Cabdi Raxiim Ciise Caddoow isagoo Go’aanka Alshabaab ku Tilmaamay Tallaabo aan Dhankii Wanaagsaneyd loo qaadin.

Isku soo wada duuboo Arrimahan oo dhami waxay ku tusinayaan in Ururka Alshabaab uu yahay kan kaliya ee ku Mideysan Xagga Aragtida Jihaadiga ah ee ay kala soo horjeedaan Cadawga Madoow ee Haatan taagan Waddo kaliya ee aan ku Cararno ha naloo furo.

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: