jump to navigation

Taarikh nolaleedkii Ilaahay haka aqbalee Shahiid C/raxman Sulaymaan Seteembar 18, 2008

Posted by spiritualphilantropy in walalaha naftoda huray.
trackback

Shuhadadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah shariidka taariikhda Muslimiinta. Bal cilmiga lagu xafido Sooyaalka taariikhda muslmiintu waxay yaqaaniin “المغازي والسير ” “Duullaannada iyo siirooyinka” markaa taariikhda Raggu maaha inta goor ee ay shaqo tageen, wax cuneen ama filim iyo kubad fiirsadeen, laakiin waxaa laga xisaabiyaa inta dagaal ee ay galeen! Guulaha ay soo hooyeen, iyo siday Diinta ugu dirireen, taas ayaa la qoraa oo diiwaanka gasha.
Shahiidkeena Sh.C/raxmaan Suleymaan Nuur (Abu Khaalid); wuxuu ahaa geesi tilmaaman oo naftiisa u hibeeyey difaaca iyo hirgalinta diinta Islaamka. wuxuu isku darsaday Sheekhnimo iyo Shahiidnimo,! Cilmi iyo Camal, Jihaad iyo Cibaado; soon badan iyo qiyaamu layl.
Shahiidku wuxuu ku barbaaray magaalada waajid, gobolka Bakool. Quraanka oo idil kor buu ka bartay, Cilmiga Shareecada wuu xeraystay, wuxuuna jilbaha u laabatay Xalaqaadka wax lagu barto ee Baladweyn iyo Hiiraan. Waxbarashadiisii madaarista nidaamiga ahna wuxuu ku soo qaatay Machadkii Masaarida ee loo yaiqiinay “Allaahida” ee Muqdisho. Halkaasoo uu ka gaaray heer aad u sareeya. Afcarabiga wuxuu ku ahaa baliiq ama baxar, qaybaha cimiga shariicadana wuxuu ka gaaray maqaam sare. Taasoo u suurto galisay inuu mimbar yeesho, oo Beledweyn oo uu ka noqdo Daaci tilmaaman oo loo soo xeraysto, golayaasha cilmigana Diinta ka faafiyo, kutubtana laga barto.
Sh. C/raxmaan wuxuu lahaa sifaad wanaag badan, oo dadka inta ku sifowday ay aad u yar tahay waxaa ka mid sifaadkiisa:
• Qaari’ul Qur’aan, xaafid ah, shaq-adiisuna abid Quaan bay ahayd
• Geesinimo iyo dhiiranaan badan
• Daaci baraarujin badan ayuu ahaa
• Nin Allaah dartii dadka ku xiriiriya
• Salaada tahajudka wuu ilaalin jiray, wuuna la dhuuman jiray
• Mudaalacada kutubta iyo raaca-shda cilmiga ayuu badin jiray
• Wakhtigu dhayal kumuu dhaafi jirin markastana hawl buu ku jiray
• Waxa joogto u ahayd inuu soomo khamiista iyo Isniinta, sida ay ahayd sunnada Nabigu صلى الله عليه وسلم
• Khadiib aftaham ah oo wacdig-iisa la dhageysto
• Aduunyadu way qiimo yareyd wax tixgalina muu siin jirin
• Nin waji furfuran ayuu ahaa oo shabaabku jecelyihiin.
Mar la weydiiyey: “Hadii maktabad lagu dhex geeyo sideed uga faa’iid-aysan lahayd?” wuxuu yiri: “Aniga maktabadaydu waa thuquurta (goobaha dagaalka)” oo uu ula jeeday furinta hore ee dagaalka ayaan cilmiga ku daalacdaa!
Ximadaha badan ee Shahiidk-eena laga reebay waxaa ka mid ahaa “Annaga camalkan inaan dhaqaajino ayaa la noo diray; ee nama saarna inaan mirihiisa gaarno”. Dadka uu ku arko inay camalka jihaadka ka gaabiyeen wuxuu ku oran jiray “Saaxiibow basku yaanu kaa tagin!!
Shahiidka da’diisa waxa lagu sheegay 31 sano, Camalka jihaad-ka wuxuu ku soo jiray 14 sano, taas oo ku dhawaaneysa cimrigiisa oo idil barkii. Waana sharaf gaar ah. Sh.C/raxmaan waxa lagu Xas-uustaa Muxaadaraadkii iyo wacdigii joogtada ahaa ee uu u jeedin jiray shabaabka, waxa ka mid ahaa Muxaadarooyinkiisa sida weyn loo yaqaanno, Muxaadaradii Ciwaanka uu uga dhigay: “..وقلنا …. وقالو

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: