jump to navigation

Shirqoolkii Waynaa.!!!! Bilowgii Lumitaanka Qunyar Socodka Soomaaliyeed Seteembar 18, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Maqaalada iyo Muuqaalka.
trackback

Shirqoolkii Waynaa.!!!! Bilowgii Lumitaanka Qunyar Socodka Somaliyeed.

Ilaahaybaa mahad leh, naxariis iyo nabad galyana nabiyu laahi mux’ed ayay dushiisa ahaatay. Intaa ka bacdi waxaan dhamaan aqristayaasha ku salaamayaa salaanta islaamka, salaanta ahlul janaha. Asalamu calaikum waraxmatulaahi wa barakatuh.
Iguma aysan ahayn wax kadiso iyo fajiciso ah, waxaanay ahayd falaadh aan filaayay…
Waxay ahayd dhacdo aan ku cusbayn saxwada islaamiga ah, soona noqnoqtay marar badan, intii caqli lehina ay tijaabadaas ka faaiidaysatay…
Waxay ahayd bilowga musalsal dheer oo socon doona intii uu allaaah ogolaado in uu socdo, waa bilow khiyaanooyin qaran ama umadeed oo ka bilowda khudada hada la qaaday iyo dhabaha hada uun cagta la saaray, inshaa allaahuna ku dhamaan doona fashil iyo foolxumo wayn oo raacda khiyaanoolayaasha waanay xusi doontaa taariikhdu, dhabankoodana waxay ku xardhi ama ku daabici inay yihiin kuwo ka ganacsada dhiiga dadka gadana qadiyadaha, siduu yidhi alle ha xifdiyee amiirka dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta alshabaab sh. mukhtaar abuu-zubair.
Waxaa soo ifbaxaysa in la hirgalinayo mukhadad ama qorshe iyo barnaamij uu dhigay marka hore shaydaan kabacdina maraykan iyo xulafadiisa oo ay kaw ka tahay qaramada midoobay iyo midowga yurub.
Hadaba muxuu yahay mukhadadkaasi ama qorshahaasi?.
Yaa dhigay?. Yaase loodhigay oo lagula dagaalamayaa?.
Yaa la adeegsanayaa?. Muxuuse ujeedada ama hadafka mukhadadkaasi yahay?
Waxaa hubaal ah in waqtiyadan dambe ay kusoo xoogaysanso dunida muslimka ah taageero aad u balaadhan oo ay shucuubta muslimiintu u hayanaan mujaahidiinta, isla markaana waxay ka qanceen madaxdooda dabadhilifyada ah, iyo sidoo kale nidaamyada xukuneed ee qalqalafsan ee ay wataan, waana baraarug diimeed oo ilaahay loogu mahadnaqo.
Taageeradaas oo ka dhalatay is hortaaga ay is hortaageen mujaahidiinta ay ku tilmaaman xagjirku mashruuca ay maraykan iyo israaiil hogaaminayaan, ee ku qotoma dhaca, dilka, boobka arxandarada ah ee ay ku dhisantahay cadaawada caqiidadeed iyo damacyada siyaasadeed, kuwa dhaqaaleed iyo kuwa militryba.
Waxaa batay jabhadaha mujaahidiintu ay ku wadaan kacdoonka isbadal doonka ah ee sida isdaba jooga ah uga dilaacaya wadamada mulimiintu ay degaan iyo kuwa xooga ay gaaladu ku haysataba.
Philippines waxaa ka jirta jabhada abu sayaf, Pakistan waxaa kasoo ifbaxay jabhada daalibaanta pakistan, Afghanistan waxaa ka jirta dalibaan iyo alqaeadah, Iraq waxaa ka jira jabhado mid ka badan oo ay ugu wayntahay dowlada islamiga ah ee iraq iyo ciidanka ansaaru sunah, saudi arabia waxaa ka dilaacay kabhad cusub oo la magacbaxday alqaacidada jazeeratul carab, yemen waxaa ka jira dhaqdhaqaaq waayadan dambe soo xoogaysanaya oo isna la baxay aqacidada koonfurta jazeeratul carab, morocco Algeria Mauritania Tunis Mali waxaa ka jira jabhad xoogbadan oo la baxday alqaacidada galbeedka islaamka, filistiin waxaa ka jira jabhado badan oo ay u xoogbadantahay jabhada qasaam oo ah garabka militry ee xamaas, syria lenanon waxaa ka jira dhaqdhaqaaqa jundu shaam, fatxul islaam iwm. Somalia waxaa ka jira jabhado ay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta alshabaab, jabhada islaamiga somaliyeed, naigeria waxaa ka jira dhaqadhaqaaqa daliban.
Sidoo kale wadamada aan madaxbanaanida lahayn ee muslimiinta ah isla markaasna hoosyimaada quwadaha gaalada ayaa iayana sidaas oo kale ay mujaahidiintu jabhado uga samaynayaan, sida kashmiir, iyo qaybo badan oo ka mida dhulkii hore loo odhanjiray midawga soofiyeeti.
Shabaabkii xooga ahaa ee caalamul islaami waxay si xoogbadan ugu biirayaan jabhadahaas mujaahidiinta ah.
Sidaa aawadeed ayaa dawlada maraykanku waxay istiraatiijiyadeeda fog ee ku aadan dunida muslimka ku dhistay waaqicaas ah in cadawgiisu (umada muslimiinta) ay aad ugu heelanyihiin mujaahidiinta si isdaba joog ahna ay u sii xoogaysanayaan.
Hadaba waa in la keenaa xal lagaga hortago fiditanka fikirkaas ah ku qanacsanaanta in islaamku xal yahay. Dhibka iyo guumaysiga umadu ku jirtana in lagaga bixi karo jihaad. Waxay u tafa xayteen oo guntiga dhiisha iskaga dhigeen sidii ay u damin lahaayeen karkaas, Wuxuu yidhi allaah “Waxay doonayaan inay afkooda ku damiyaan nuurka ilaahay”.
Muxuu yahay qorshaha la hirgalinayaa?.
Meelaha ugu waaweyn ee dawladaha reer galbeedka iyo maraykanku ay ka qaataan aragtiyaha siyaasadeed ama fikradaha ayaa ah Goobaha lagu sameeyo baadhitaanada iyo diraasadaha ama xarumaha cilmi baadhista, waxa ay u yaqaanaan Research centers.
RAND Corporation waa mid ka mida hay’adaha ugu waawayn maraykanka ee diraasadaha ay soo saarto ay dawlada maraykan ku dhisto hadba wixii ficil ah ee ay qaadayso. Waana hay’ad guun ah oo shaqaynaysay mudo gaadhaysa 60 sano.
Rand ayaa ah xarfo la soo gaabiyay oo ka kooban Research and development, misaaniyad sanadeedkeeda waxaa lagu qiyaasaa lacag gaadhaysa 150 milyan oo dollar, waxaana ka shaqeeya shaqaale gaadhaya 1500 ilaa 1600 oo u badan aqoonyahano shahaadooyin sarsare sita. Waxaanay hay’adani hoos timaadaa ciidanka cirka ee maraykanka US air force.
Hadaba laanta hay’adan u qaabilsan diraasaynta bariga dhexe ee Center for Middle East Public Policy oo ku taala wadanka Qatar gaar ahaan magaalo madaxdiisa doha ayaa waxay dhawaan soo saartay warbixino isdaba jooga oo si khaasa uga hadlaya talooyina uga bixinaya sidii looga hortagi lahaa in jihaadiyiintu ama islaamiyiintu xukunka dawladohooda mar uun gaadhaan iyada oo aanuu maraykan ka raali ahayn ama uusan isagu ka qayb-qaadan arintaas isaga oo ujeedooyin istiraatiijiyadeed oo gaara ka leh.
THE MUSLIM WORLD AFTER 9/11 waa mid ka mida diraasadaha ay diyaarisay Rand taas oo soo baxday March 2005 kana koobanayd 500 oo baal ama xaashiyood, wuxuu hadafkeeda ama ujeedadeeda ugu wayni ahayd sida diraasada lagu sheegay “Istiraatiijiyada ugu haboon ee la gudboon maraykanka in uu kula dhaqmo dunida muslimka ah mustaqbalka”
Diraasadaas oo aad u balaadhnayd ayaa bal waxa aynu kasoo qaadan dhowr qodob oo kamida qodobada ay cida diraasada diyaarisay kula dardaarantay dawlada maraykanka:-

1. In islaamiyiinta qunyar socodka ah laga qayb galiyo xukunka dawladohooda ay is hayaan, dhibna ma leh hadii islaamiyiintaasi aanay ku qanacsanayn dimoqraatiyada, waxaanay diraasadu sidoo kale sheegtay baqaha laga qabo in hadii islamiyiinta qunyar-socodka ahi ay si dimoqraadi ah ugula wareegaan xukunka ay ku kacaan falal ka hor imanaya mabaadida dimoqraadiyada oo shareecada islaamku qabto, laakiin waxay diraasadu isku qancisay in hadii ay islaamiyiintu soo gudo galaan hay’adaha dimoqraadiga ah ay suuro-gal tahay in ay aad u furfurmaan aadna ugu dhex milmaan dimoqraadiyiinta, waxaana ay diraasadu shardi uga dhigtay islaamiyiintaas xukunka laga qayb galinayo in ay u hogaansamaan mabaa’dida dimuqraadiyada, iyo in ay ka fogaadaan in ay isticmaalaan xoog ama dagaal (jihad).
2. In la abuuro lana dhiiri galiyo oo la barbaariyo kooxo islaamiyiin qunyar socod ah, si loogu adeegsado la dagaalanka kuwa ay u yaqaanaan gaaladu ASALRAAC.
Waxaana lagu sheegay dirasada in kuwa qunyar socodka ahi ay awood ahaan aad uga hooseeyaan kuwa asal-raaca ah, sidaa aawadeed waxa ay diraasada talo ahaan u soo jeedisay in maraykanku gaalgalin wayn ku sameeyo kuwa qunyar socodka ah, oo uu sidoo kalena ka qayb qaataa sidii uu afkaartooda qunyar-socod-nimo u gaadhi lahayd dhamaan muslimiinta, lana sameeyaa shabakado caalami ah oo isku xidhan awoodna leh.
3. In la baabi’iyo lana burburiyo kuwa asal-raaca ah, lana fahmo sifooyinka ay khaaska ku yihiin, siyaalaha ay u wada xidhiidhaan asal-raacyada dunida daafaheeda ku kala nooli, sida ay uwada hawl galaan, cida maal galisa, meelaha ay u liitaan, si markaa ka bacdi loo dejiyo istiraatiijiyada ugu fudud ee loo burburin karo, ka bacdina halkooda lagu badalo kuwa qunyar-socod ah.

Building Moderate Muslim Networks, ama dhisid shabakado muslimiin qunyarsocoda, iyana waa diraasad ka kooban 217 xaashiyood, taas oo soo baxday taariikhdu markay ahayd 26-march ee 2007. Waxaanaan odhan karaa waa hadaf ama ujeedo taktiiki u ah hadafkii istaraatiijiga haa ee ay isugu biyo shubanaysay diraasadii aynu hore u soo sheegnay.
Waa sidii loo samayn lahaa islamiyiinta qunyar socodka ah ee qorshahan hirgalin lahayd, waa diraasad aad uga hadlaysa islaamiga qunyar socodka ah ee uu maraykan doonayo afkaartiisu waxa ay tahay.
Marka la isku soo ururiyo waxa ay afkaar ku soo diyaariyeen diraasadani waxay isugu soo biyo shubanaysaa in islaamiyiinta qunyar socodka ah oo ay sifooyinkooda aad ugu sharxeen diraasadaas ay uga faaiidaystaan laba arimood.

* In ay ku garaacaan oo ay kula dagaalamaan kuwa ay u yaqaanaan asal raaca ama wahaabiyada sida ay sheegeen, kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwo jihaadiyiin ah ama kuwa fikir ahaan taabacsan alqaeda waa sida ay u dhigeen hadalkee. Kuwaas oo sida ay sheegeen aaminsan in la soo celiyo khilaafadii muslimiinta ee luntay.
* In ay ugu cago jugleeyaan kuwa digtaatooriyiinta ah ee xukuma wadamada muslimiinta ah, kuwaas oo ay ku khuukhinayaan in ay xukunka ka tuurayaan kuna badali doonaan kuwaan qunyar socodka ah ee shacbiyada shacabkana haysta, hadii ay xukuumadahaasi fulin waayaan waxa uu maraykan ka dalbado.

Akhristayaal ma soo koobi karno shirqoolada ay gaaladu u maleegayaan baraarugaa islaamka ee dunida manta kazoo ifbaxay. Cidii u baahan in ay daalacato diraasadaas halkan ayay ka rogan kartaa. http://rand.org/pubs/monographs/2007/RAND_MG574.pdf
Hadaba sidaan wada ogsoonahay waxaa waayadan dambe soo if baxaayay warar ku saabsan wada hadalo ay yeelanayaan dawlada federaalka kumeel gaadhka ah ee somalia iyo isbahaysiga mucaaradka ah ee dib u xoraynta somalia, waxaana arintaas sii xaqiijiyay madaxa isbahaysiga mar ay waraysatay idaacada british broacasting corporation laanteeda afka somaliga taariikhdu markay ahayd 4/4/08.
Sidoo kale waxaa dhanka kale ee TNG-da arinkaas qiray hadh iyo habeena u taagan ra’iisal wasaare nuur cade.
Waxaa intaas kasii horaysay wada hadalo iyo kulamo dhex maray isbahaysiga asmara iyo qaar kamida masuuliyiinta maraykanka sida safiirka maraykanka u fadhiya Nairobi Ambassador Michal Ranneberger, iyo masuuliyiin iyana ka socda qaramada midoobay oo uu ka kowyahay axmed walad cabdllah.
Akhristayaal aan idin xasuusiyo hadal uu yidhi mid ka mida kuwa ugu rug cadaadisan fikiryahanada ama kuwa dhiga afkaarta siyaasiga ah eeku saabsan bariga dhexe ahna masuul ka tirsan hay’ada rand, isla markaana ah ninka diyaariyay diraasada hore ee The Muslim world after 9/11 kana qayb qaatay diraasadan dambe kaas oo la yidhaahdo angel rabasa isaga oo dhiiri galinaya kuwa lagu sheego qunyar-socodka wuxuu yidhi rabasa:- “Maadaama oo aanu nahay anagu (maraykan) wadan ajanabi ah, oo sidoo kale aanaan ahayn dal muslim ah, nooma suuro galayso in aanu faro-galin ku samayno oo aanu la dagaalano caqiidada ama ideologyada kuwa xagjirka ah… waxaa muslimiinta ku waajiba in muhimadaas iyagu ay ku kacaan, doorka aanu anagu ku yeelanaynaana uu noqdaa uun in aanu idiin diyaarino garoonka cayaarta, anaga oo xoojinayna kuwa qunyarsocodka ah”
Sidoo kale waxaa uu madaxwaynaha TNG-da dambiile c/lahi yusuf axmed ku sheegay waraysi uu siiyay idaacada bbc taariikhdu markay ahayd 16-04-08 oo uu ku sheegay in hada ay haboontahay in la isugu tago oo la faquuqo kuwa uu ku sheegay in ay yihiin argagixisada caalamiga ah, mar la waydiiyay cida uu ula jeedo argagixisada in uu ula jeedo mucaaradka wada hadalka la wadana, waxa uu sheegay in aanuu u jeedin inta aaminsan mabda’a wada hadal in lala galo dawlada ee cida uu u jeedaa ay tahay dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta alshabaab oo uu si cad u magcaabay.
Hadaba waxaa kulmadaas lagaga shaqaynaayay in la abuuro jawi uu ku qabsoomo wada hadal ay yeeshaan labada dhinac, taas oo aan loogu danaynayn labada dhinac ee is haya isla markaana wada hadlaya midna laakiin la doonayo in: –

* Lagu badbaadiyo laguna samato bixiyo dawlada Ethiopia oo ku guuldaraysatay ujeedooyinkii ay u timid carada Somalia, iyo iyada oo si xawli ah ugu dhiigbaxaysa gudaha dalka Somalia dhaqaale ahaan, iyo millitry ahaanba.
* Lagu Burburiyo quwada mujaahidiinta islaamiga ah ee kasoo ifbaxday dalka Somalia, taas oo hor istaagtay hirgalinta mashruuca mucatab ku dirirka caalamiga ah, quwadaas oo islamarkaana fashilisay qorshayaashii isugu jiray damacyada siyaasadeed, dhaqaale iyo militry ee loogu talagalay in dalka Somalia lagu burburiyo laguna qaybsado hantidiisa iyo khayraatkiisa.

Hadaba islaamiyiinta somaliyeed ee ka qaybqaadanaysa wada hadalada hada la wado ee ujeedadoodu tahay hirgalinta ujeedooyinkaas iyo ahdaaftaas istiraatiijiga u ah gaalada, ayaa waxay isugu jiraan dhawr qaybood marka la eego xaga dhaadsanaanta in ay fulinayaan qorshe gaalo dan u ah laguna burburinayo nuurka islaamka oo lagu badbaadinaayo sii jiritaanka ethiopia si ay u noqoto handadaad iyo qodax mar walba ku mudan cunaha umada somaliyeed iyo carbeedba khaas ahaan masar, jibouti, sudan iyo iyana Eretria.
Waxaa jira kuwo aan dhaadsanayn qorshahaas oo daacadimo aan sharciga ku banaanayni ay hayso, waxaa jira kuwo dhaadsan laakiin dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsiyeed oo mansab iyo kursi u wayn yahay uun u fulinaya qorshahaasi, sidoo kale waxaa jiri kara kuwo ku jira isbahaysiga oon ahayn garabka islaamiyiinta ah oo dhaadsan qorshahaas lagana yaabo in talo ay ku leeyihiin fulinta qorshahaas, ahna kuwa soo xidha fiilooyinka u dhexeeya gaalada iyo isbahaysiga, una diyaarsan qorshaha labaad ee ka dambeeya marka kani uu fulo –illaahay ma fuliyee- ay iyana bilaabaan qorshe meesha lagaga saarayo kuwan qunyar socodka ah laftooda oo ay timaado “waxa la I cunay maalintii dibiga cad la cunay:.
Waxaan odhan lahaa walaalaha loo tashaday.
Waxaad tihiin kuwo taariikhda sharfta ku leh bogag dahab ah, waxaad tihiin darbi adag oo hortaagan –insha allaah- mawjadaha damaacinamada ah ee lagu soo weeraray umada muslimiinta ah khaas ahaan umada somaliyeed.
Waxaad tihiin kuwo aanaan abaalkooda gudi karin, idinkaa guusha leh maadaama oo aad xaqa ku taagantihin walow ay ayaamaha qaar aad u soo adkaadaan. Walow ay ragii idiinku dhawaa idinkoo nool idin iibiyaanba, walow dhiigiina lagu seexdo hotelo waawaynba, imisaad u adkaysateen dabaylo iyo duufaanada xooga badan oo badalay fikirka iyo tawajuha odayaal tusaale u ahaa dhabar adayga iyo sabirka.
Codka sharafta iyo cisadu ku dheehantahay ee ka reeban isdaad raacinta daciifnimada ah ee ku dhisan aragtiyaha siyaasadaha daba dhilifnimada ah ee ay ka madhantahay quwada iyo cisigii islaamka lagu yaqiinay.
Walaalahayga islaamka ahaw qorshayaashaas ka madhan akhlaaqda wanaagsan, ee ay ku dheehantahay fulaynimada, khiyaanada, siyaasada beenta ah, iyo iibinta qadiyada umada somaliyeed waxay inooga baahantahay qorshayaal lagaga hortago oo ay aasaas u tahay shareecadu, dabadeed mawaaqif sharafeedyo, siyaasad xikmadaysan, dulqaad, sabir iyo naseexo, adayg iyo debacsanaan isu dheeli tiran. Sidaa aawadeed waxaa ila gudboon in aynu ka duulno qodobo dhawr ah oo aan isleeyahay way haboontahay in waqtiga kan lagaga bixi karo.

Dagaalku waa mid umadeed ee maaha dagaal kooxeed.
Waxyaalaha u waawayn ee ay gaaladu ka faaiidaysato, mashruucana hirgalintiisa ka qayb qaadan kara waxaa ka mid ah iyada oo la kala saaro shacabka iyo mujaahidiinta. Oo laga dhigo mujaahidiintu in ay wataan qorsheyaal u gaara oo meelo kale laga darawaliyo oo aan umada iyo dalkaba dan u ahayn.
Waxaa la doonayaa in dagaalka laga dhigo dagaal u dhexeeya tirada yar ee mujaahidiinta ah iyo gaalada soo duushay, oo shacabkuna yahay uun mid lagu duldagaalamayo oo aan dan iyo muraad toona laga lahayn khaas ahaan mujaahidiintu.
Arintaasi waxay u baahantahay in laga hortago si ficil iyo hadal ahaanba ah, waxay u baahantahay in mediaha ama warbaahinta oo maanta ah mid ka mida hubka ugu halisaysan ee la isticmaalo aynu uga faaiidaysano hirgalinta ah in dagaalku yahay dagaal u dhexeeya umad lagu soo duulay iyo gaalo soo duushay, mujaahidiinta la magacaabayaana ay yihiin uun kuwo hormood ka ah halgankaas.
Waxyaalihii keenay in shacab badani uu inagala qayb qaato dagaaladii hore ee aynu la galnay isbahaysigii ashahaado la dirirka ee aynu ku jabinay waxaa ka mid ahaa iyada oo aynu ku guulaysanay in aynu shacabka ku qancino in mashruuca ay wadaan ashahaado la dirirku uu yahay mid u halisa shacabka somaliyeed iyo diintiisaba, loona baahanyahay in la iska dufaaco weerarada ay soo qaadayaan kooxdaasi sharwadayaasha ahi, ilaa markii dambe lagu magacaabay in jihaadkani ahaa kacdoon shacab runa way ahayd. Waxaana ay ahayd runtii siyaasad najaxday oo meel martay, umada iyo mujaahidiintana anfacday.
Waad ogtihiin maanta cida ugu badan ee dagaalka ku leedayaa waa shacabka, kaas oo waliba si toos ah loo abaarayo loona beegsanayo, sidaas oo ay tahay ayaa hadana waxaad moodaa in aanuu shacabku ogaynba in aan dagaalka lagu wadin isaga, taasina waa wacyi la’aanta shacabka haysata iyo ogaal la’aanta aanuu ogayn in dagaalkani yahay mid saliibi ah ama mucatab ku dirir ku aadan cid kasta oo islaam ah.

Siyaasad oo sharciyaysan, xirfadaysan oo xikmadaysan.
Waa run oo waxaad ka dhigteed goobaha dagaalka wacdaro iyo geesinimo badan, ujeedooyin cadcad sida cadceeda ayaa indhihiina hortooda idiinka muuqda, Guul iyo gobonimo ama shahiidnimo iyo shahaado.
Iyadoo intaas oo dhan ay jirto ayaa hadana hadii la waayo in geesinimadaas iyo guulahaas aan looga faaiidaysan siyaasad u adeegaysa ujeeda ama hadafka dagaalada loo galay waxaa dhici karta in cid kale isku magacawdo, oo dedaalkii iyo juhdigiiniiba ay xadaan qolo aan ri gees uga ridini.
Siyaasada aynu ubaahanahay waqtigan aan hada joogno waxaa kow ka ah in aynu si aad u xikmadaysan shacabkuna uu fahmi karo aynu umada ugu sheegno in waxa socdaa uu yahay qorshe lagu hagar daaminayo shacabka oo laga leeyahay ujeedooyin khaasa.
Ilaahay ha xifdiyo hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa alshabaab wuxuu ahaa mid arintaas dhaadsan waqti aanay soo shaacbixin arintani, u noqda oo dhagaysta kalimadiisii u dambeysay. In badan ayaa laga cawday sidii kululayd ee uu u dhaleeceeyey kuwo uu ku tilmaamay inay gadaan qadiyadaha, kana ganacsadaan dhiiga mujaahidiinta, laakiin maanta ayay soo baxday wixii uu ka digaayay.
Walaalayaal waxaa la inooga baahanyahay in inaga qudheenu aynu soo bandhigno shacabkana u sheegno barnaamijkeena aan ugu talagalnay in aan dadka ku wadno waqtigan xaaliga ah ama barnaamijkeena siyaasadeed ee ku aadan sidii looga bixi lahaa dhibka iyo rafaadka haysta umada kaas oo ay masuul ka yihiin dawladaha jaarka ah, yurub maraykan iyo israel.
Shacabka badankiisu waa caamo umana fikirayaan sida aynu u fikirayno oo kale laakiin waa in aan ku dedaalnaa in aan sideena oo kale ka dhigno, tusno waxa aynu arkayno, dareensiino jacaylka aynu u hayno, u cadayno hadafkeena iyo u jeedadeena, hadii taa aynu awoodi waynana aynu ku qancino in sida aynu u fikiraynaa ay saxtahay isla markaana ay tahay dariiqa ugu haboon ee loo marayo xalka qadiyadeena.
Khaladbaynu u aragnaa in lala hadlo dawlada ridada ee dabadhilifka ah, kumana aaminayno in aanu heshiis la galno, waayo ma ahan dad madaxbanaan ee waa dad lagu cayaarayo laguna jiilayo hadba sidaasada ay gaalada soo duushay maslaxo u aragto. Waa dad aan wanaaga jeclayn iyo islaamnimada. Waa dad aan diyaar u ahayn in xukunka xaga alle iyo rasuulka loo celiyo, taas oo inaga aasaas inoo ah.
Cidii isku dayda inay heshiis la gasho ee ka mida kuwa dagaalka aanu kuwada jirnana sida maxkamadaha islaamiga ah waxaanu ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan arinkaas waayo?, waxay nagu sharciyaynayaan dawlad aan jirin oo daba dhilifa, waxay waqti siinayaan cadawga ethiopianka ah ee hada sii nafbaxaya, waxay burbur iyo isku dhac u soo jiidaysaa kuwii aad markii hore meesha uga soo wada jeedeen la dagaalanka dawlada ridada ee hada aad soo dhawaysanaysaan, ee aad ka sugaysaan in aad xukunka la qaybsataan.
Siyaasad cad oo asalkeedu yahay inaanay khilaafin shareecada islaamka, siyaasad damaanad qaadaysa amni iyo imaan in la helo, siyaasad damaanad qaadaysa in shacabka gaajada laga saaro kadib marka meesha laga saro wixii sababay, ee ah dulmi diin-laawayaal iyo dunuub shacabka qudhiisu kala galay. Siyaasad koobsanaysa xasilinta waaqica hada, indhaha shacabkana tusaysa mustaqbal ifaya oo islaamaysan kaas oo looga baahanyahay inay wada hiigsadaan dhankiisana u dhaqaaqaan si ay u xaqiijiyaan ka dhabayntiisa.

Ka faa’iidaysiga tijaabooyinkii hore.
Dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah ee maanta dunida ka jira ama ka jiri jiray waayada qaar waxay soo mareen dhacdooyin farabadan oo kala gedgedisan. Dhacdooyinkaasi waxay inooga baahanyihiin diraasayn iyo ku cibro qaadasho duruusta aynu ka faaiidno. Si aynu dariiqa ugu dhaw u marno ujeedooyinkeena. Oo aynaan marlabaad dib u marin dariiq horey usoo xidhmay oo ay walaalo inaga horeeyey soo tijaabiyeen.
Waqtigan hada aynu marayno khaas ahaan dhacdadan aynu ugu talo galnay in aynu ku falanqayno qormadeenan ee ah qorshaha loogu talo galay in meesha lagaga saaro quwada xaqa ah een marnaba ka tanaasulayn waajibkeeda sharciga ah ee ka saaran weerarada mucatab ku dirirka ah ee lagu soo qaaday umadooda.
Dhacdooyinka khuseeya ama la midka ah dhacdadan aynu hada marayno, way badantahay inta ay kuwo walaaleheen ah oo dunida ka jira ay soo martay.
Waad iiga cilmi roontihiin ikhwaan dhacdooyinkii ay ku burburtay walaaleheenii xarakadii islaamiga ahayd ee wadanka Eretria, iyo sidii dhiigii islaamiyiinta uu uga faaiidaystay xisbigii shuuciga ahaa ee uu hogaaminaayay madaxweynaha hada ee Isaias Afewerke.
Sidaasoo kale walaalihii Algeria, iyo duruusta ku dheehan heshiiskii jabhada badbaadinta islaamiga ahi ay la gashay dawladii dabadhilifka u ahayd gaalada.
Sidaas oo kale tijaabadii walaalaha reer maser ay kala kulmeen isbahaysigii iyo heshiisyadii xukun wadaaga ee dhex maray dhaqdhaqaaqa ikhwaanul muslimiin iyo dawlada ridada ee maser.
Hada waxaa mashruucaas hirgalintisu ka bilowmatay dalka ciraq, oo waa la ogyahay sida ay ku bilaabantay mashruuca balaadhan ee ay ka dhalatay fikrada saxawaadka murtadiinta ah. Iyo sida ay awoodii mujaahidiinta ugu wiiqeen gobolada qaar sida anbaar oo kale. Iyo sidaas oo kale mu’aamarada ay mujaahidiinta ku hayaan kuwa sida beenta ah u soo gashaday shaadhka diinta iyaga oo fulinaya mashruuc gaalo soo dhistay, oo ku dhisan wada hadal lala galo dawlada ridada ah ee ciraq ka jirta.
Qasnada duruusta aynu ka faaiidaysan karno dhacdooyin kuwan la mida oo dunida muslimka ah soo maray aadbay u badan yihiin waxaana inala gudboon in aynu aad u diraasayno sida ugu haboona uga faaiidaysano.

U nasteexeeya walaalaha la qalday.
Imisaa xaqdoon ah aanse hayn dariiqii ay u mari lahaayeen xaqa, imisaa xaqdoon ah se ku daalay dhererka iyo dhibka dariiqa xaqa ah oo miciinsaday dhabooyinka shaydaanka ee ka farcama ama ka baydha dariiqa xaqa, imisaa gobanimo doon dagaalyahano ah oonse fahamsanayn dabeecada iyo wajiga dagaalkani leeyahay iyo sida ugu haboon ee lo waajahayo.
Dhamaan kooxahaasi waa quwad meelo badan oo banaan inaga buuxin kara, waa quwad loobahanyahay in aynu soo jiidashadeeda kooxbadan saarno, oo aan xidhiidhkooda aad u xoojino walow haba ku jiraan kuwa qorshayaashaas khiyaanada wada’ee.
Waa in aynu si guud ugu dignaa kuwa sida indho la’aanta ah ee daacada iyo ikhlaasku ka madhanyahay ugu ololaynaya hirgalinta mashruucaas aadka u khatarta badan iyagoo kaleh dano shakhsiyeed ama hirgalin u kasnimo ah, inagoo isla markaana raacinayna cadayn aynu cadaynayno in aanuu mashruucaasi umada dan u ahayn.
Waxaasi waa badil kuma noqdaan baadil oo kaliya maanta, waxaasi waa xaqna kuma noqdaan xaq maanta, waxaa la inooga baahanyahay in asaaliibta ama habka aynu u sheegayno in baadilku baadil yahay aynu sida ugu haboon ee uu fahmi karo hadba qofkaa aynu la hadlaynaa aynu u sheegno. Isla markaana Isticmaalayna ereybixinada ugu dhaw ee uu fahmayo.
Gunaanad: –
Ugu dambayntii waxaan halkan ugu baaqaynaa inay ilaahay u toobad keenaan kuwa mashruucan foosha xun ee u khidmeynaya gaalada raba inay fuliyaan, oo ay dhibka gaalada haysta ka furdaamiyaan iyaga oo ku furdaaminaya in walaalohood ay iibsadaan una guntadaan baabiintooda.
Waa hubaal oo mashruucaasi sidiisa u hirgali maayo, laga yaabaase in uu dhib waxoogaa ah u keeno mujaahidiinta, laakiin ogaada kuwa mashruucan soo qaatayow in aad qubuurihiina gacmihiina ku qodaysaan, taas oo aan ka wado in idinka qudhiinu aydun sadex jeeraba khasaari doontaan.

Hadii uu hirgalo
in aad idina la idin dhaafi doonin oo siyar oo aad u dhibyar la idiinka takhalusi doono, waxaydun arki iyada oo inta qof qof la idiinku yeedhay maalin walba nin maxkamad kiis gaara loosoo taagayo, kiisaskaasi ha ahaadaan qaar aad waayada qaarkii magaca jihaadka ku gasheen iyada oo lagu andacoonayo in aad xasuuqdeen dad somaliyeed, ama iyada oo hadii ay ugu sokayso xabsi guri la idinku soo rogo ama dalka la idinka mamnuuco inaad soo gashaan maadaama aad ka hortimaadeen tiirarka dimoqraadiyada ee shirkiga ah.
In uu idiin hir gali waayo
mashruucaasi oo aad se dhaawac gaadhsiisaan mujaahidiinta, taas oo sababi karta in qaar ka mida mujaahidiinta oo dhalinyaro u badani ay si arxandaro ah idiinka aarsan doonaan, idiinlana dagaalami doonaan si ka daran sida ay gaalada ula dagaalamayaan, taasina ay keento in xasuuq sokeeye dhaco – ilaahay ma keenee- dabadeeto aad ku hoobataan maadaama dagaalka aad la idiinka badiyo.
In isagoon mashruucani wali hirgalinba uu fashilmo
, sababo badan aawadee oo ay ugu horayso umada oo dhibka ay kusii siyaadiso dawlada aad la heshiinaysaan, ka dibna ay sumcadii ay umadu idiin haysay ay dhulka ku dhacdo, oo la idinka aamin ka baxo, idina aad ku dambaysaan kuwo is lacnadaya markay is arkaan, khaladkaas iyo dambigaas wayn ee aad gasheen aawadii.
Waa hubaal oo fikirkaa qaldan ee horseeday soo abaabulka shirqoolkaas mujaahidiintu wuxuu ka dhashay isbahaysigii sharci darada ahaa ee lagu soo aasaasay asmara, kaas oo ay ku jiraan kuwo ku caan baxay islaam nacayb, dadnimo xumo, diin la’aan iyo dabadhilifnimo. Wuxuu yidhi rasuulku SCW ” qofku wuxuunbuu leeyahay diinta saaxiibkii”.
Shalaybay ahayd markuu sheekh shariif –ilaahay hasoo hadeeyee- lahaa nuur cade inuu ka darnaado cali geedi mooyee kama roonaanayo!, tolow maxaa is badalay, sidoo kale shalaybay ahayd markuu lahaa sheekh shariif –alle hasoo hadeeyee- ” Hadii dadka qaar ay ka suurowdo in ay wada hadal la sameeyaan dawlada ku meel gaadhka ah anaga nagama suurowdo arintaasi”! tolow maxaa is badalay.
Gabagabadii waxaan leeyahay walaalaha mujaahidiinta ah, sabra una dulqaata deelqaafyada gefafka iyo khiyaanooyinka idinkaga imanaya kuwa col hortii jabay, idinkoo ka gaashaamanaya khiyaanooyinkaas ugana jawaabaya isla markaana umada uga digaya si xikmadaysan, waaqicana la socota oo eegaya hadba talaabada ugu haboon iyo waqtiga ugu haboon ee aad ka qaadanaysan af iyo adinba.

اللهم أهلك الظالمين أولياء اليهود والصليبيين، اللهم قاتل الكفرة المرتدين، اللهم سلط عليهم بأسك الذي لا يرد عن القوم المجرمين، اللهم إنا نسألك النصر على الأعداء والانتصار للضعفاء والانتقام للأبرياء، فإنك تؤتي الملك من تشاء, وتنزع الملك ممن تشاء، وتعز من تشاء وتذل من تشاء، بيدك الخير إنك على كل شيء قدير.

Bilaal Hargeisaawi
15/04/1429H – 21-04-2008
Bilaal_1985@hotmail.com

Advertisements

Faallooyin»

1. Axmed Mursal dayib - Nofeembar 24, 2008

walaal waxaan si weyn kaaga mahadaqayaa sia aad u soo diyaarisay maqalkan xambarsan tarikhda kooban iyo warbixinta oo aad u soo gudbisay dadka walaalha ah ee ku kala nool daafa dunida muslima iyo tan masiixiyadaba.

waxaan talo ahaan u soo jedin lahaa inaad maqalka kala gogoyso oo aad k dhigo mid tixane ah si aanu u lumin dadaalkaaga ilaa marka dmbe aad ka dhigto buug la ictimaado karo waadna mahadsntahay walaal

2. Siidoow - Nofeembar 24, 2008

aadbaan diinkugu hambalyeenayaa gaar ahaa Maxamed ibraahim bilaal oo ah nin saxibkey ah macalinkaygana ahaa

anigu taladeydu waxay tahay warqadahan in lagu baahiyo bulshada dhexdeed madaama intarneetka dadka isticmaala ay yihin dabaqada aqoonta leh mana aha interntka sida idaacada oo kale oo ayadu k dhex baxda xuduudaha uminimada madaama waxeedu ku egyihin maqal oo qura.
waad mahadsantihiin


U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: