jump to navigation

Safiirka Itoobiya oo loo oggolaaday inuu ka qeyb-galo shirka la sheegay in looga hadlayo danaha shacabka Soomaaliyeed ee kooxaha Soomalida uga socda Jabuuti. Seteembar 17, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback

(17-09-2008)Wararka ka soo baxaya shirka magaalada Jabuuti uga furmay Isbahaysiga dib u xoreynta, garabka shariifyada, iyo kooxda mbagathi, garabka Nuur Cadde, ayaa sheegaya in Safiirka Itoobiya u fadhiya wadanka Jabuuti si buuxda loogu oggolaaday inuu kursi dhigto madasha shirka ay ku leeyihiin labada kooxood ee Soomaalida oo Hotel Sheraton oo ku yaala magaalada Jabuuti.

Oggolaanshiyaha loo oggolaaday in danjiraha Itoobiya uu shirka ka qeyb-galo ayaa waxaa si buuxda u aqbalay Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan, kadib markii guddiga Isbahaysiga uga qeyb-layey shirka ay ka baxeen iyagoo ka cabanayey joogitaanka danjiraha Itoobiya, taasoo sababtay in labada shariif uu shir deg deg ah la galo wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Ahmed Walad Abdalla, kuna qanciyo in aan safiirka Itoobiya looga maarmin xalka Soomaaliya.

Safiirka Itoobiya ayaa isagoo dhoolla-caddeynaya waxaa kursi loo dhigay meel dhex-taal u ah labada wafdi ee ka kala socda Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Shariifyada, iyo kooxda uu hoggaaminayo Nuur Cadde, waxaana hoolka wada fadhiya, Sheekh Shariif, Shariif Xasan, iyo guddiiyada ammaanka iyo siyaasadda ee Isbahaysiga garabkooda, iyo dhanka kale Nuur Cadde, Axmed C/slaan iyo guddiyadooda siyaasadda iyo amniga, iyo safiirrada dalalka Itoobiya, Masar, Yemen, Jabuuti, iyo safiirro kale, iyo weliba Ahmed Walad Abdalla, iyo kooxda loo yaqaan Contact group.

Xog laga helay xafiiska Ahmed Walad Abdalla oo aan weli si dhab ah loo shaacin ayaa lagu sheegay in shirkaan midka xiga ee loo qaban doono Isbahaysiga garabka Shariifyada iyo kooxda Mbagathi, lagu marti qaadi doono Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya Seyum Musfin, iyo wakiilka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Gen. Gabre Dilla, si ay uga qeyb qaataan baadi-goobka loogu jiro xal u helidda arrimaha murugsan ee Soomaaliya.

Isbahaysiga garabka Shariifyada oo doodoodii ugu horeysey ku bilaabay ineyan la shireynin kooxda dalka u soo hor-kacday cadowga ee mbagathi, balse ay la shirayaan qaramada midoobey, ayaa maanta waxay hal qol kula shirayaan kooxdii soo horkacday cadowga iyo Cadowgii ay soo hoggaamiyeen.(maanso ka tiri)

dalkanews.com Muqdisho

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: