jump to navigation

16 ka tirsanaa ciidanka Tigreega oo ku halaagsamay labo qarax oo ka dhacay deegaanka Carbiska ee galbeedka Muqdisho. Seteembar 16, 2008

Posted by spiritualphilantropy in Wararkii u dambeeyay.
trackback
16 ka tirsanaa ciidanka Tigreega oo ku halaagsamay labo qarax oo ka dhacay deegaanka Carbiska ee galbeedka Muqdisho.
Talaado 16 Ramadaan 1429 (16 /09/2008)

Ciidamadii gaalada ahaa ee shan casho ka hor kasoo baxay Baydhabo si ay u yimaadaan Muqdisho ayaa saaka qaraxyo waawayn lagula beegsaday deegaanka Carbiska oo ah jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidankan oo si ba’an ugu soo waxyeeloobay shan weerar oo hore loogu geestay intii ay kusoo jireen jidkan ayaa saakana si xun ugu halaagsamay qaraxyadan oo jidka dhiniciisa loogu sii habeeyay, waxana ku bakhtiyay isu gaynta labada qarax 16 gaal oo Tigree ah.
Arinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in ciidankani uu soo lugaynayay ilaa Buur hakabo oo dhowr boqol oo km u jirta Muqdisho, kadib markii ay ka quusteen in Baabuurta ay fuulaan, waxana ay lugeeyaan labada dhinac ee jidka iyagoo safaf dheer isku daba gala, kadib waxaa u fikiray Mujaahidiinta Al-shabaab oo diyaariyay Miino Baaxad wayn oo loogu talo galay ciidanka lugta oo masaafo balaaran wax ka dili karta, waxana saaka labo miinooyinkaa ka mid lagu qarxiyay ciidankan soo rafaaday.
Si kastaba ha ahaatee marka la fiiriyo khasaaraha wayn ee ciidankan soo gaaray intii jidka ay kusoo jireen ayaan laga yaabin in mar dambe ay soo maraan jidkan.

Advertisements

Faallooyin»

No comments yet — be the first.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: